Wasiirka Biyaha oo Gaadhay Deegaanka Tukaraq

0
468

Hargaysa (Dawan)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriydda Somaliland, Md.  Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), oo ay xubno ka ahaayeen xildhibaanno ka tirsan golaha Baarlamaanka (Wakiillada iyo Guurtida), maamulka gobalka Sool iyo ka degmada Laascaanood, ayaa shalay socdaal ku tagay magaaladda Tukaraq ee fadhiisimada ay ka dhigteen ciidanka qaranka Somaliland.

Weftiga wasiirka Biyaha ayaa kulamo la yeeshay odayaasha iyo waxgaradka degaanka Tukaraq iyo saraakiisha sar-sare ee ciidammada qaranka ee jiidaas hore ku sugan.

Wasiirku waxa uu sheegay in socdaalkoodu uu daaran yahay sidii ay xogogaal ugu noqon lahaayeen xaaladda nololeed ee dadka degaanka Tukaraq iyo ciidanka qaranka ee ku sugan degaankaasi, waxaanu tilaaay in ciidanka qaranku aanu u socon in ay qabsadaan magaaladda Garoowe ee caasimada Putland.

“Sababta aanu halkan u nimid waa in aanu xogogaal u noqono sida uu yahay xaaladda guud ee ciidanka qaranku, ciidanka qaranka marna uma baqayo, waa ciidan aan xogogaal u ahay wakhti badana aanu soo wada shaqaynaynay, oo waayo-aragnimada ay leeyihiinna aan garan karo, haddii ay tahay in ay dagaalka hoggaamiyaan iyo hadday tahay in ay siyaasadda hoggaamiyaan,” ayuu yidhi wasiirku.

Waxa kaloo uu intaas ku daray “Ciidanka qaranku uma socdo caasimada Putland ee Garoowe, laakiin ciidanka qaranku waxa uu xaqiijinayaa xuduudka Somaliland, waxaanu  diyaar u yahay in uu jaarkiisa nabadgelyo kula noolaado. Sababta keentay in ciidanka qaranku yimaado Tukaraq waxa uu ka yimid dadka degan degaankan. dadka degan Tukaraq boqolkiiba lixdan way nala soo xidhiidhayeen, qof kastaaba dhib ayuu sheeganayay, Buurawadar, Boocame, Falaydhyare iyo Godqaboobe mid kastaaba waxa uu sheegayay in cudhaadh loo haysto.”

Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada iyo golaha guurtida oo xubno ka ahaa weftiga wasiirka biyaha ayaa sheegay in u kuurgalayaan  xaaladda ay ku sugan yihiin dadka degan degaanka Tukaraq iyo ciidanka qaranka ee halkaas ku sugan.

Sidoo kale odayaasha iyo waxgaradka degaanka Tukaraq ayaa iyaguna caddeeyay in ay diyaar u yihiin in ay wax la qabsadaan bulshada reer Somaliland, waxaana ay ka dalbadeen xukuumadda in wax laga qabto baahiyaha aasaasiga ah ee ka jira deegaanka Tukaraq.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply