Madaxweynaha Somaliland oo Midowga Yurub Kala Hadlay Inay ka Taageeraan Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Dugsiyada Farsamada

0
365

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa shalay la kulmay  Safiirka Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo, oo booqasho ku yimmi Somaliland.

Waxa kulankaas lagaga wada hadlay sidii loo soo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya dawladda Somaliland iyo midowga Yurub. Waxa kaloo ay labada dhinac wadajir u falanqeeyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka budhcad-baddeeda caalamiga ah.

Warku  wuxuu intaas ku daray in midowga yurub ay balanqaadeen inay Somaliland ka taageeri doonaan mashaariicda horumarka gaar ahaan kuwa la xidhiidha kaabeyaasha dhaqaalaha. waxa kaloo ay  caddeeyeen inay  wax ku darsan doonaan qorshaha dhismaha jidka halbowlaha ah ee isku xidha Berbera iyo Wajaale. Weftiga danjira midowga yurub waxay madaxweynaha Somaliland isla soo qaadeen sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalkii u socday Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Muuse  waxa uu kala hadlay inay xukuumadda kala shaqeeyaan tayaynta waxbarashada gaar ahaan  dugsiyada farsamada gacanta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply