‘Waxaanu Danjiraha u Sheegnay in aanu ka Sugayno Ictiraafkii’

0
356

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya,  Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu ku fashilmay siyaasadda, isla markaana uu raacay dariiqii kali-taliye Maxamed Siyaad Barre oo ku dhisnaa kala qaybin iyo qabyaalad.

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu ku dooday  in Farmaajo uu dabada ka riixayo xiisadda colaadeed ee ka aloosan degmada Tukaraq ee gobolka Sool, taas oo u dhexaysa Somaliland iyo maamul goboleedka Soomaaliye ee Puntland.

“Maanta(shalay) waxaanu la kulanay Danyiraha Yurub uu qaabislan Somaliland iyo Soomaliya Veronique Lorenzo, waxaanu kala hadalnay xaaladda dalku marayo wakhtigan, inaynu doorashadii galnay oo aynu nabadgelyo ku galnay, madaxweynihii la doortayna uu dawladdii sameeyay, waxa aanu dhinacooda ka sugaynaana ay tahay Ictiraafkii,”ayuu yidhi Eng. Faysal oo shalay u warramay warbaahintu.

 

 

Guddoomiyuhu wuxuu iftiimiyey inay danjiraha u caddeeyeen colaada ay Puntland ka wado Tukaraq, waxaanu yidhi; “Doorashadii aynu  qabanay oo nabadgeliyo ayay ku dhammaatay, Somaliland-na dhaqaale xumo ayaa haysata oo sicir bararkii wuu sii kordhay, abaartu waa ay sii socotaa, waxaannu uga sheekeynay arrinta ka dhacday Tukaraq.”

 

Eng. Faysal waxa uu sheegay in xaaladd dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ay ku noqonayso halkii ay taagneyd sannadkii 1992-kii. “Soomaaliya waxay ku noqonaysaa halkii 1992-kii  ay taagnayd, Farmaajanna waxa uu la soo baxay buugii Maxamed Siyaad Barre, qabyaaladii ayuu wadaa, Soomaali waxa halkaasi dhigayna waa qabyaalad, wuxuu ka bilaabay weerar uu ku qaaday xildhibaannada, taasi oo ahayd aargoosi.

 

Soomaaliya markii lala dagaalamayay Maxamed Siyaad Barre lalama lala dagaalamay maamul Soomaaliyeed oo ay cid kastaa ku jirto, waxa lagula dagaalamay xukun xumo, qabiil lalama dagaalamin, markaa haddii uu leeyahay adeerkay ayaad la dagaalanteen oo aad ku duusheen, waxaan u sheegayaa in halkii adeerkii laga saaray uu isaguna joogo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

 

 

Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Fidmada ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland cidda ka danbaysa waa Farmaajo, Soomaali inay hagaagto ayaanu jecelnahay oo Soomaali nabad lagu soo celiyo, geyiga aynu degannahay oo dhammi wuu  ololayaa, Yeman baad arkaysaan, Eriteria waxa kala haysta ayaad arkaysaan.  Tukaraq waxay ahayd meel reer Garoowe ay dadka baad kaga qaadi jireen oo ay kaantarool ka samaysteen, waxaanay keenen ciidammo Fedaraal ah, markay qaybiyeen Gaalkacayo inay yidhaahdaan Somaliland ayaanu u soo jeedsanaynaa oo aanu qaybinaynaa wakhtiga ayaa siiyay oo inaga ayaa siinnay, hase ahaatee waxaan leeyahay idiin suuragali mayso.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply