WEEDHA WARGEYSKA Maxaa ku Cusubaa Booqashadii Madaxweynaha Somaliland ku Tagay Itoobiya?

0
432

Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaamineyay, ayaa booqasho   saddex maalmood qaatay oo taariikhi ah ku tagay dalka Itoobiya oo cilaaqaad soo jireen ah la leh  Somaliland.

Wuxuu socdaalka madaxweynuhu   kaga duwanaa kuwii  madaxweyneyaashii ka  horreeyay  ku tagi jireen Itoobiya, dhawr qoddob oo  ka soo baxay safarkan oo ifafaale u ah in xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ka sii xoogaysanayo sidii hore.

Maxaa ku cusub Booqashadan:

Waxa ka mid ah arrimaha indhaha falanqeeyayaasha  soo jiitay sidii saaxiibtinimada   ahayd  ee weftigii madaxweynaha loogu soo dhaweeyay madaarka caalamiga ah ee Bole ee Magaaladda Addis-ababa, waxaana halkaas ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Dr. Workneh Gebeyehu iyo wasiirka gaadiidka Itoobiya.  Waxa lagu muuneeyay   hab-maamuuskii ugu sareeyey. Iyadoo loo dhigay rooga cas isla markaana lagu  soo dhaweeyay qolka VIP-da ee Madaarka oo ay kulan  hordhac ah ku yeesheen wasiirka khaarajiga.

Weftiga madaxweynaha waxa  loo galbiyey madaxtooyada Itoobiya oo uu si niyadsami ah ugu qaabilay Ra’iisul-wasaare Hailemariam Dessalegn oo ay yeesheen wada-xaajood  ay ku lafo-gureen sidii loo taabogelin lahaa iskaashiga saaxiibtinimo ee labada waddan gaar ahaan dhinacyada, Nabadgelyada, ganacsiga, siyaasadda, waxbarashada , kaabeyaasha dhaqaalaha iyo  la dagaalanka argixisada oo ay ku yihiin bahwadaag .

Waxa lagu diirsaday in Hailemariam Dessalegn  iyo madaxweyne Muuse Biixi ay si wadajir ah u qabteen shirjaraa’id oo ay kaga warbixiyeen arrimihii ay ka hadleen kulankoodii. Ra’iisul-wasaaraha waxa uu muujiyey sida ay uga go’an tahay inuu xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo ganacsi ee Somaliland ka dhexeeya uu gaadhsiiyo heerka ugu sareeya.

Waa markii u horreysay ee Ra’iisul-wasaaraha  Itoobiya uu shir jaraa’id la qabto madaxweynaha Somaliland. Waxay  tallaabadan geesinimada leh  lagu macneeyay inay  saadaal ka bixinayso   siday Itoobiya u xiisaynayso  nabadgelyada iyo dawladnimada raasamaalka ah ee ka jirta Somaliland.

Warbaahinta Itoobiya:

Markii uu madaxweynuhu gaadhay Addis-ababa, waxaa madaarka  Addis ababa ka soo xaadiray  suxufiyiintii ugu badnaa ee dalkaasi oo si ka duwan sidii hore ugu soo baxay booqashada madaxweynaha Somaliland.

 

Warbaahinta Itoobiya waxay  tabiyeen   xidhiidhka ka dhexeeya labada  dawladood iyo kulankii labada hoggaamiye. Hay’adihii warbaahinta ee sida xidhiidhka ah  uga faalooday  weftigii madaxeynaha waxa mid ahaa  Wakaallada wararka Itoobiya ee ENA, Wargeyska  The Ethiopian Herald  iyo Telefishanka  CGTN Africa oo isagu waraysi gaar ah la yeeshay madaxweyne Muuse Biiixi. Sidoo kale waxa warkii weftiga daabacday mareegta   wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

 

Booqashadaasi waa tii labaad ee madaxweynuhu ugu baxo dalka dibadiisa tan iyo 13kii bishii December ee la soo dhaafay oo uu xafiiska la wareegay, waxaanu hore booqasho tan oo kale ah uu ku tagay waddanka Jabuuti. Waxa booqashooyinkaasi ay  fure u yihiin qorshaha xukuumadda cusubi  sare ugu qaadayso xidhiidhka ay la leedahay dalalka deriska oo ah mid  uu mudnaan gaar ah siinayo madaxweynaha shanaad ee Somaliland Md. Mjuuse Biixi Cabdi.

dawaneditor@gmail.com

cumarmfaarax@hotmail.com

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply