Xildhibaaan ku Taliyey in la Maareeyo Sicir-bararka Aafeeyay Dalka

0
348

Hargaysa(Dawan)- Xildhibaan Mahdi Cabdilaahi Maxamuud oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa ku eedeeyay gananacsatada waawayn ee dalka inay qayb ka yihiin sicir bararka iyo sarif bararka is barkaday ee ka taagan dalka.

Xildhibaan  Mahdi ayaa sheegay in sicir bararku aafeeyay shacabka uu   qiimo tiray shilinkii Somaliland, waxaanu   u soo jeediyay xukuumadda inay si degdeg ah wax uga qabato sicir bararka.

 

“Sicir bararka iyo sarif bararku waa mid ummaddii iyo dawladnimadii  Somaliland   ragaadiyay oo  lacagtii  Somaliland baabiiyay, waa in degdeg xukuumaddu  wax  uga  qabato sicir bararka oo  lacagtii Somaliland hoos u dhac ku keenay,waxaana wax lagaga qaban karaa sicir bararka xawaaladaha oo  shilinka Somaliland siiya dadka dibadda   lacagta doolarka ah  looga soo diro, ummadaha  waxa hurumariya lacagtooda markay  qiimo u yeelaan.  Waxa kale oo sicir bararka wada qolada ganacsatada waawayn ee wax soo dejiya oo  ilaa xaafadaha wax ka iibiya,  taasina waa waxyaabaha ganacsigii dhexe  meesha ka saaray. waxaan leeyahay ganacsatada dadkiinna u naxa, waanad hesheen wixii faa’iido ah ee aad doonayseen,” ayuuu yidhi Xildhibaan Mahdi oo u warramay warbaahinta qaranku.

 

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay in abaari ay ka jirto qaybo ka mida dalka waxaana uu ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadkaas ay abaartu haleeshay, waxaanu yidhi “Abaar ayaa ka  jirta gobolo dalka ka mida oo  baahsan, abaartaas  oo ka jirta Lughaya, Saylac, Berbera ilaa xeebta Ceerigaabo, xoolihiina waa le’anayaan wasaaradda xanaanada xooluhu waa inay   talaal u fidiso xoolahaas  ay abaartu haleeshay, xukuumadda iyo hay’adahuna waa in ay u gurmadaan bulshada tabaalowday.”

 

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu ku amaanay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi go’aamadii uu soo saaray, waxaana uu soo jeediyay in lala shaqeeyo xukuumadda madaxweyne Biixi; “Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waa madaxweyne go’aan adag, soona saaray go’aanno adag, madaxtooyadii wasiirradu hadhsan jireen mid kasta waxa uu ku yidhi shaqadaada  qabso  oo xafiiskaaga ku ekoow, waana in lala shaqeeyo madaxweynaha oo la garab istaago.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply