Madaxweynaha Somaliland oo si Adag uga Hadlay Shaqaaqo ay ku Dhinteen 16 Qof oo ka Dhacday Gobolka

0
337

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa baaq nabadeed u diray laba beelood oo oodwadaag ah oo  ku dagaalamay shalay degaanka  Darar-weyne ee degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag oo ay ku dhinteen 16 qof, halka tiro kalena ku dhaawacmeen dirirtaas.

 

 

 

Waxaanu ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo colaada degaankaas ka dhacday oo soo noqnoqotay.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inaanay bulshada reer Somaliland ka go’in  cid ku dhimata dhiig macno darro lagu daadiyo,waxaanu amar ku bixiyay in laga hawlgalo daminta iska hor imaadkaas.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidaas ku sheegay baaq nabadeed oo uu xalay soo saaray, waxaanu yidhi;  “Waxa aan ugu baaqayaa beelaha ku dagaalaya degaanka Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Darar-weyne inay si deg-deg ah u joojiyaan colaadda soo noq-noqonaysa ee dhex taalla labada beelood ee walaalaha ah. Mar labaad iyo mar saddexaadba waxaan idinku baaqayaa inaad colaadda damisaan oo aad Alle ka cabsataan, hoosna u eegtaan dhiiga bilaa micnaha aad u daadinaysaan ee aad agoomaha iyo goblanka kaga dhigaysaan hooyooyinka iyo caruurta, siddeedaba dagaal wiil kuma dhasho ee wiil baa ku dhinta. Dilka iyo dhiiga macno darrada ku daadanayaana dadkeenna kama go’o, ee wixii is maandhaaf ah  ee jira waa in lagu dhammeeyaa is afgarad lana tixgeliyaa nabadgelyada, is xaqdhawrka derisnimo ee wada noolaanshaha iyo degenaanshaha leh.”

 

Waxa kaloo madaxweynuhu ugu baaqay waxgaradka labadaas ardaa inay ka hawlgalaan daminta colaadaas, waxaanu yidhi; “Sidoo kale waxaan madaxda dhaqanka ee labada dhinac ugu baaqayaa inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galaan daminta colaaddaasi, una hoggaansamaan ciidammada amniga ee ku hawlan arrintaasi garab buuxana ku siiyaan sidii dagaalkaasi loo joojin lahaa.”

 

“Ugu danbayn waxaan tacsi u dirayaa dhammaanba ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, inta dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa caafimaad taama inuu siiyo. Waxaanan ku celinayaa baaqayga nabadgelyada ah in loo hoggaansamo lanna joojiyo colaadda, anigoo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo u faro dhuudhuuban arrintaasina faraya inay ka hawlgalaan sidii loo xakamayn lahaa colaaddaas oo loo joojin lahaa sida ugu dhakhsaha badan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Geesta kalena, dhawr iyo toban qof ayaa ku geeriyooday tiro kalena way ku dhaawacmeen iska hor-imaadkaas u dhexeeya labada beelood, sida uu xalay khadka Telefoonka noogu xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falaay.

 

 

oo shalay  ka dhacay degaanka loo yaqaano Dararweyne oo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Sida uu noo xaqiijiyay badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Faley, oo xalay telefoonka ugu waramay wargeyska DAWAN, isagoo ku sugan magaaladda Ceerigaabo.

Inkastoo uu  badhasaabku ka gaabsaday in uu faahfaahin  dheeraad ah ka bixiyo dagaalkaasi iyo khasaaraha ka dhashay, waxaanu  ku gaabsaday in dagaalkaasi uu yahay mid u dhexeeya laba beelood oo walaallo ah oo wada dega degaanka Darar-weyne ee gobolka Sanaag.

Axmed Cabdi Faley, wuxuu sheegay in ay ka maamul ahaan  gurmad  ka galeen dhacdadaasi, isla markaana ay kala dhex dhigeen labada beelood ciidammada  millateriga.   Waxaanu  yidhi “Dagaalkaasi wuu dhacay, dhimashadu waa dhawr iyo toban qof, dhaawac-na wuu jiraa oo wuu badan yahay. Ciidammadii waan gaynay, taliyeyaashii qaybaha ee booliska iyo millateriga  gobolka Sanaag  ayaana tegay meesha,  hal guuto ayaanu aaga hore ka soo celinay. Daawooyin,  dakhaatiir waanu gaynay,  gawaadhida Unbalance-ka  ahna waanu u dirnay,  imika hawshu way wacan tahay. Dad dhaawac ah ayaa jira  loo qaaday  Burco iyo Hargaysa.”

 

“Lama caddayn karo waxa uu dagaalkani  ka dhashay,  dadka qoloba waxbay ku sheegayaan. Laakiin annagu waxaanu  ka hawlgalnay uun sidii loo kala bad-baadin lahaa, oo aan dagaal danbe u dhaceen,”ayuu yidhi Axmed Cabdi Falaay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply