Axmed Yuusuf Yaasin oo soo Dhaweeyey Tallaabadii Lagu Joojiyay Kalluumaysigii Shisheeyaha

0
339

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md.Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay jidka ugu habboon ee lagu heli karo wax soo saar dalka ku filan iyo dariiqa kaliya ee Somaliland ay kaga gudbi karto xaaladda sicir bararka bulshada naafeeyey.

 

Axmed Yuusuf ayaa sidoo kale ugu baaqay wasaaradda arrimaha gudaha inay samayso xeer dabraya oo lagu xakameeyo salaadiinta iyo oday dhaqameedka, kuwaasi oo uu sheegay inay xadkoodi dhaafeen.

“Salaadiinta iyo madax dhaqameedka marka lagu milo siyaasadda waxay keenayaan hab qabiilaysan, markaa waxaan leeyahay siyaasadda ha laga fogeeyo madax-dhaqameedka oo wasaarada daakhiliguna waa inay  u samaysaa xeer dabraya madaxda dhaqanka ama suldaan ha ahaado ma odaye,”ayuu yidhi madaxweyne ku-xigeenkii hore oo u warramay Kalsan Tv.

 

 

 

Axmed Yuusuf waxa uu xukuumadda  ugu baaqay inay xaddido lacagaha ay soo daabacayso waxaanu yidhi;  “Dalku haddii aanu soo saarin waxa uu cunayo, wax waliba waa ay baaxaa degayaan, waddan haddii aanu shilinkiisa isticmaalina wuu baaxaa degayaa. waxaad moodaa inaynu nahay degmo ka mida waddanka Mareykanka, wadan waliba lacagtiisa ayuu wax ku iibiyaa. lacagteena aan aamino, baanka awoodiisii ha loo soo celiyo, wax-soo-saarna aynu samayno.

Markaa waddan aan ciseyn lacagtiisa isagana ciddi cisayn mayso, maanta haddii dagaal dhaco dekeddu wey xidhmaysa, kaliya hantida iyo keydka aad leedahay waa waxaad soo saartay, dawladana waxaan ku dhiirinayaa inay xaddido lacagaha la soo daabacayo.”

 

“Saddex fursadood ayay Somaliland wax kula soo bixi kartaa oo inoo bannaan, bad dheer oo siddeed boqol iyo konton kiiloo mitir ah  oo dhereran oo Kalluunkeeda la bililiqeysto oo ay gurtaan Masaari iyo Yemeniyiintu  ayaynu leenahay, waxna aanay kaa soo gelin.

Waxaan  ku hambalyaynayaa wasiirka xannaanada xoolaha iyo kalluumaysiga   oo ka joojiyay shaqadii baddeenu imika 24-sannadood ee laga soo dhaafay way ooyaysay oo waa la guranayey, bulshada caalamku baddooda ayey ku nool yihiin, laakiin innagu baddeenna kuma noolin, badeenn waa in dadka loo jiheeyaa,”ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply