Kormeerkii Madaxweynaha, Kadlihii Wasiirrada, u kuur-galkii Shalay ee Wasaaradda Caafimaadka

0
346

Hargeysa(Dawan)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeer shaqo ku tegay xarunta guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka ee caasimadda Hargeysa shalay. Waxaanu socod ku tagay, kagana yimmid  wasaaradaasi isagoo tallaabo dheeraynayey, waxaanu guclo ku  hareero yaacayey  wasiirro, Duqa Caasimadda,  iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda oo  kamaraduhu qabteen iyagoo  muuqday inay  madaxweynaha  ku dabo-daaleen oo uu ka dheeraynayey.

 

Kormeerkii Kowaad ee madaxweynaha:

Kormeerka uu madaxweyne Muuse Biixi ku tegay xarunta wasaaradda caafimaadka Somaliland oo ay ujeeddadiisu ahayd sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee wasaaradda oo qaranka muhiim u ah isla markaana uu ugu kuur geli lahaa caqabadaha haysta,  ayaa waxa madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey wasiirka wasaaradda horumarinta caadimaadka Mudane Xasan Ismaaciil Yuusuf, agaasimihiisa guud Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo hawl-wadeennada kala duwan ee wasaaradda.

Ugu horrayn Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo halkaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay inay hawsha wasaaraddu si habsami leh u socoto, isla markaana ay shaqaalaha iyo madaxdu iyaga oo isku duuban diyaar u yihiin fulinta dhammaanba ballanqaadyadii xisbiga KULMIYE ee ku wajahnaa kor u qaadista heerka caafimaad ee dalka iyo sidii ay bulshadu u heli lahayd daryeel caafimaad oo dhammaystiran.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf oo madaxweynaha halkaas kusoo dhaweeyey, ayaa muujiyey sida ay wasaaradiisu diyaarka ugu tahay inay  ficil u beddesho dhammaanba wixii uu xisbigu hore uga qorshaystay dhinaca daryeelka caafimaadka, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweyne waxaan  kugu soo dhaweynayaa wasaarad uu is-beddel badani ka muuqan doono oo aanu isku dayi doono in himiladii aad  lahayd, tii xisbigu lahaa iyo tii umaddu lahaydba inaga oo isku duuban aanu hirgelino oo annaga oo isku duuban oo si caddaalad ah wax u maamulayna in qof kasta oo Somaliland u dhashayba aanu isku dayno in aanu gaadhsiino adeeg caafimaad, cududda caafimaad ee maanta aynu haysaana ay tahay mid lagu kalsoonaan karo oo ka jawaabi karta baahiyaha caadimaad ee ina haysta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna kormeerka wasaaradda horumarinta caafimaadka kadib halkaas hadal hogo-tusaalayn iftiiminta qiimaha ay bahda caafimaadku bulshada ugu fadhido halkaas ka jeediyey, ayaa sheegay inay shaqada caafimaadku ka xaasaasisan tahay dhammaanba shaqooyinka kale ee dhiggeeda ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Wasaaradda caafimaadka waxa laga rabaa aqoon, shaqadeeduna way ka duwan tahay shaqooyinka kale oo qaladoodkooda waa laga soo kaban karaa, laakiin qaladka ay galaan kalkaalisooyinka, umulisooyinka ama kuwa shaybaadhka ka shaqeeyaa lagama soo kaban karo oo qof baa ku dhimanaya ama ku naafoobaya, markaa waa inaynu xoogga  saarnaa dadka ka shaqaynaya bahda caafimaadka ee magacyada badan leh, ta labaad ee bahda caafimaadka laga rabaa waa anshaxa dhakhtarka, waayo umulisada, ninka shaybaadhka haya kalkaalisooyinka iyo dhakhtarkaba waxa la siiyey oo xirfadoodu siisay wax aan qof kale oo Bani’aadam ahi qaadi Karin.”

Madaxweynuhu isaga oo si gaar ah u iftiiminaya muhiimada shaqada adag ee ay bahda caafimaadku bulshada u hayso waxa uu ku tilmaamay ma daaleyaal qaranka ka mudan qaddarin iyo ixtiraam goonni ah, “Qofka isaga oo hurda soo kac la leeyahay ee isaga oo buka oo Neeras ah la leeyahay adigu ha bukoone kaalay ka kale dawee ee iyada oo hooyo ah ka imanaysa si ay cid kale u daweyso qarankaa lagu leeyahay inuu masuuliyad iska saaro daryeelkooda, xuquuqdooda iyo karaamada ay mudan yihiin, qarankuna dawladda ay oo saddex waaxood ka kooban, laba qolona ixtiraam gaar ah bay dalka ka mudan yihiin, kuwaas oo kala ah ciidamada iyo bahda caafimaadka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu ugu baaqay dhammaanba shaqaalaha wasaaradda horumarinta caafimaadka iyo mihnadleyaasha kale ee adeeggan ku lugta leh inay si waddaniyadi ku dheehan tahay dalkooda ugu huraan aqoontooda, isla markaana ay u adkaystaan duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan.

Dardaarankii Madax-dhaqameedka:

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag uga hadlay hadallada xanafta iyo dhiillada xambaarsan ee ay qaar kamid ah madax-dhaqameedka reer Somaliland warbaahinta marinayaan, kuwaas oo kala geynaya  bulshada isku duuban ee reer Somaliland.

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo shalay  arrinta ka hadlay, ayaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta dalka ugu baaqay inay ka waantoobaan hadallada  xanafta leh ee ay ku kala dilayaan bulshada walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhexmarayso deegaanka Darar-weyne ee koonfurta gobolka Sanaag, isla markaana ay dib usoo celiyaan sumcaddii  iyo karaamadii ay arrimaha noocan oo kale ah xalka ugu ahaan jireen, waxaana uu yidhi, “Madax-dhaqameedka Somaliland waxaan ka codsanayaa, marka ay reeruhu is dilaan madax-dhaqameedka, suldaanka iyo odaygaa loo tegi jirey, laakiin haddii uu odaygii leeyahay waan dagaallamayaa dabka anigaa wada oo aanu la gabbanaynin sidee la yeelayaa, madax-dhaqameedku waa inay is waaniyaan oo iyagu is qabtaan, waana masiibo, inuu suldaankii ugu soo horreeyo dagaalkii, fidnadii iyo dagaalkii ay ballaayadu ka dhacaysay waa masiibo hor leh oo inoo kow ah.”

 

“Ragga maanta cumaamadaha saydhinaya ee ina Suldaan Hebel iyo ina suldaan hebel ahow, suldaankii ku dhalay, kii kaa horreeyey iyo Awoowgaa samaan bay talin jireene dagaal may oogi jirin, hadal fidno lehna may tuuri jirin, saasayna sharaf ku lahaayeen, idinkuna ku yeelan maysaan sharaf hadal siyaasi ah oo aad dadka ku kicisaan iyo tolla’ayeey waan dagaallamayaa iyo beel baan u qabanayaa shir salaadiin kuma noqonaysaane fidmo-wadeyaal baad noqonaysaan, waana codsi oo haddii suldaankiina dagaal iclaamiyo, kii yaraana qori la cararo waa waali, sidaasna ku socon mayno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Xal u Helida colaada Darar-weyne:

Sidoo kale madaxweyne Muuse Biixi waxa uu mar kale ka hadlay shaqaaqada beelaha walaalaha ah ku dhexmaraysa deegaanka Darar-weyne ee koonfurta gobolka Sanaag, waxaanu  ku baaqay in gacmaha la isu qabsado sidii dhibaatadaas loo soo afjari lahaa, waxaannu yidhi; “Maalmahan waxa dhibaatadoodu ina soo gaadhay oo uu dhaawacoodu yaallaa Laba beelood oo walaalo ah oo isku laynaya Ceel  Af-weyn, dagaalkaasina wax  alla iyo wax uu u socdo garan mayno, qof garan karaana ma jiro, kala guuri maayaan oo isu tudhi maayaan, waa inan iyo Abtigii, isu seeddi, habar-wadaag, iyaga uun baana kala guursada, nasiib-darro wixii dhibaato ina soo martay waligay maan arag dhexdeenna lix saacadood gudahood konton qof oo dhimasho iyo dhaawac ah, in PKM dabada la isu qabtaa wax la qaadan karo ma aha, xataa haddii la is dilolna tudhaale ayaa jira, waxaana ay u baahan yihiin inaynu qabanno, shaydaan baana ka adeegay oo waa masiibo qaran, dhammaanteenna waxaan soo jeedinayaa inaynu isugu tagno oo aynu gacmaha ka xidhno oo aynu hubka ka qaadno, dhammaanteenna waynu isugu tegaynaa oo miyirka ayeynu kusoo celinaynaa.”

 

“Somaliland oo dhan waxaan ka codsanayaa inaynu dedaalka wada galno oo aynu kooda odayga ah qabanno aynu nidhaahno caqli baad leedahay, kooda taajirka ah qabanno, ka abaabulaya ee tollo’ayeeyda haya qabanno oo aynu fidnadaa gacanta ku wada qabanno mooyaane tallo kale oo maanta inoo taallaa ma jirto,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Jawaabtii Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixix Cabdi, ayaa ka hadlay dhawaaqyo muddooyinkii dambe kasoo yeedhayey madaxda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo salka ku haya saluug aan daliil loo haynin iyo eedo aan meesha qabanin oo ay ka sheegtaan guushii madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE kasoo hooyeen doorashadii madaxnimo ee dalka ka qabsoontay 17kii bishii November ee sannadkii kal-hore.

Madaxweynuhu wuxuu caddeeyey inuu bulshada u ballan qaadayo fulinta wax kasta oo horumarka dalka ku saabsanaa ay xisbiga KULMIYE iyo axsaabta kale ee mucaaridka ahiba ku ololeeyeen waqtigii doorashada, isla markaana diyaar u yahay in lagula xisaabtamo, waxaanu yidhi, “Xisbi kasta ahow oo wixii aad doonaysay ee horumar ah ayuun baan waddadeeda marayaa, haddii aan ka leexdo kii KULMIYE ahaa, kii WADDANI ahaa iyo kii UCID ahowba kalladhka isoo qabo oo sidaad leedahay I dheh waan kuu qabsoomayaaye.”

“Guddoomiye Cirro laba goor buu hadlay oo maalini, maalintii uu yidhi waan oggolahay natiijada ayey ahayd, waxaanu  yidhi umaan tanaasulin ninkii aanu tartamaynay, umana aanu tanaasulin xisbigii aanu tartamaynaye qarankaanu u tanaasulay, waa sax haddii qarankii loo tanaasulay, laakiin bal dib u baadha qaamuuska siyaasadda oo haddii aanad qofkii kula tartamayey u tanaasulin, xisbigiina aanad u tanaasulin miyaad tanaasushay?, ilayn dadkii badh baad ka tagtaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabd.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inuu rajaynayey inay xisbiga WADDANI ka hadhi doonaan carqaladaynta iyo ceebaynta natiijada doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay, balse aanay taasi weli hadhin, isaga si cad u sheegay in talada dalka ee uu haatan hayo loogu cumaamaday hannaan sharci ah, waxaannu yidhi;  “Annagu waxaanu sugaynay in marka cadhadu degto, cadho waa la bariyaaye, inay xisbiga WADDANI iyo guddoomiyahoodu luuqad taas ka qabow ay ummadda kula hadlaan, maalintii dhaweyd markii ay dhaceenna aniga oo idinka  idin ixtiramaamaya oo dadkii ii codeeyey oo kuwii aan ii codayn ixtiraamaya oo xaaladeenna guud eegaya qofkii ugu horreeyey ee aan telefoon u diray markii uu dagaalka Darar-weyne dhacay waxa uu ahaa Cabdiraxmaan Cirro, waayo xisbiyada dadka hoggaaminaya oo inaynu qabyaaladda ka baxno weeye, mushkiladahana inaynu xallino weeye, aniga oo taas ka doonaya ayaan la hadlay, isaguna Boorama ayaan ku socdaa buu yidhi, aniguna  soo dhakhsaan ku idhi masiibo weyn baa jirtee,  Boorama ayuu ka hadloo wuxuu ka bilaabay, ‘Walaalayaal doorashadii weynu helnay, laakiin KULMIYE ayeynu amaahinay’, aniguna  waan dhegaystay, waxaan leeyahay haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube halla iisoo sheego, haddii aanu KULMIYE nahayna ma qabno inaad doorasho na ammaahisay, waxaanuse qabnaa inaynu tartannay, si caddaalad ahna tiradii la inoogu hubiyey oo aad ka dacwootay oo aad tidhi meelaha qaarkood halla ii baadho oo laguu baadhay oo ay idiin xannibnayd oo aanan ka hadal  oo la hubiyey oo aynu siddeetan kun oo (80,000) ku kala badinay oo ay caddaalad ahayd,”

 

Madaxweynuhu waxa uu su’aal geliyey sida ay bulshadu ugu kalsoonaan karto u hoggaansamidda sharciga ee hoggaanka xisbiga WADDANI, maadaama oo aanay weli yaqiinsan tirada xad-dhaafka ah ee lagaga guulaystay doorashadii sanadkii hore dalka ka dhacday,“Waxa is-weydiin leh haddii uu maanta Cabdiraxmaan Cirro leeyahay haddii iyada oo siddeetan kun oo cod lagaga helay uu leeyahay waynu helnay oo waa la ina boobay oo uu weli xisbigii hoggaaminayo doorasho dambena uu ku noqon doono haddii uu tiro yar oo lagu murmo haduu keeno oo sideetan iyo toddobaatan ah hadduu keeno muxuu yeeli doonaa, illayn rag baa siddeetan iyo toddobaatan kaga tegaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada u caddeeyey inuu ixtiraam iyo qaddin laxaad lehba u hayo xisbiga WADDANI, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu qaato doorkiisa mucaaridnimo, isaga oo ka codsaday inay bulshada usoo bandhigaan wixii qaladaad ah ee ay hoggaamintiisa ku arkaan, “Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay halkii baanu ka haynaa walaaltinimadii iyo qaddarintii, inta aynu wada leenahay aynu wada ilaashanno, inta aynu isku khilaafsanahayna waan idiin oggolahay, dhaliishana waanu oggolnahay iyo in aanu talada qaranka ee inaga dhaxaysa aanu idinkala tashanno, haddaad noo garan weydaanna aad dadka u sheegtaan, haddii aad qalad nagu haysaan aad dadka u sheegtaan, iin iyo gefna naga waayi maysaan oo bani’aadam baanu nahay, mucaaradaddana waxaynu u samaysannay inay toosiso ka xilka haya, umana aynu samayno inaynu colaad uun dadka ku hayno.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply