Xafiis-joogga Wasiirrada Cusubi waa Isbeddel la Majeeran Karo! By: Cumar M. Faarax

0
314

23ka Wasaaradood ee xukuumadda afartan maalmood jirka ah ee madaxweyne Muuse Biixi, waxa   lagu majeertay in isbeddel ku yimi   xafiis-joogga wasiirrada cusub oo intooda  badan aan laga waayin xafiisyadooda subax kasta maalmaha shaqada. Si ka duwan sidii xukuumaddii ka horreysay oo ay dhif iyo naadir ahayd in wasiir qudha xafiiskiisa laga helo inta badan saacadaha shaqada ee maalinlaha ah.

Shantii  maalmood u dambeeyey, waxaan si joogto ah u booqday ama xidhiidh la sameynayey  hawl-wadeenno iyo masuuliyiin ka tirsan 12 wasaaradood, kuwaasoo wasiirradoodu  ku wada sugan  yihiin caasimadda Hargeysa oo aanay shaqo ugu maqnayn gobollada dalka ama waddanka dibaddiisaba,  aniga oo u kuurgalayey in wasiirradu maalin kasta ka xaadiraan xafiisyadooda inta lagu jiro siddeeda saacadood ee shaqo-maalmeedka dawladda Somaliland.

Natiijada kormeerka kooban ee aan dersay 12-ka wasaaradood, waxa aan ku soo arkay in dhammaan wasiirrada wasaaradahaasi ha ku kala badnaadeene ay saacadaha shaqada ee maalmihii Sabtida ilaa Arbacada toddobaadkan si buuxda ugu sugnaayeen xafiisyadooda shantaas cisho ee xidhiidhka ah.

12kaas wasaaradood oo ka noqonaya tirada wasaaradaha 52%. Waxay ka dhigan tahay in  wasiirrada xukuumadda cusub ee KULMIYE xafiisyadooda fadhiyaan saacadaha shaqada ee maalin kasta.

Wasaaradaha aan soo maray waxa ka mid ah  qaar shaqaalahoodu  ii caddeeyeen in aanay hadda ka hor  bil dhan oo  xidhiidh ah arki jirin wasiirradooda  oo xafiisyada fadhiya. Waxa kaloo xogta aan xaqiijiyey  ka mid ah in wasiirrada iyo wasiir-ku-xigeennada cusub wada-tashi  ku  shaqeeyaan,  marka ay noqoto ka go’aan gaadhista hawlaha maamulka iyo shaqo-maalmeedka wasaaradda.

Inkasta oo uu kooban yahay cimriga xukuumaddu jirtay, haddana waxa ka muuqda bilow wanaagsan oo ku dayasho mudan, iyadoo lagama maarmaan tahay in masuuliyiinta dawladda Somaliland oo dhan laasimaan dhaqankan maamul-wanaagga ka turjumaya ee xafiis-joogista, balse aannu noqon mid aan dhaafsiinayn xiisaha hore ee marka wasiirka xilka loo magacaabo oo keliya.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kormeerkii u horreeyey oo kedis ah kaga nixiyey Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo uu ku guubaabiyey inay si anshax leh ummadda ugu adeegaan, kadib markii uu socod lug ah ku tegay shalay subax.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay guud ahaan bulshada reer Somaliland u danaynayaan inuu Madaxweyne Biixi  si maalinle ah ugu dhabo-galo sida wasiirrada xukuumaddiisa cusub ugu adeegayaan ummadda, una gudanayaan waajibaadka qaran ee uu mid kasta u xilsaaray.

cumarmfaarax@hotmail.com

Leave a Reply