Qiso Naxdin Leh: Hooyo Laba Sannadood Raq iyo Ruux Baafinaysa Wiil ka Tahriibay

0
353

Hargeysa (Dawan)- Hooyo Caasha Cumar Cali ayaa la nooleyd  walbahaar labadii sannadood ee la soo dhaafay,kadib markii wiil ay dhashay oo jaamacada dhigan jiray uu tahriibay, kaasi oo aan ilaa imika la haynin  raq iyo ruux midna.

Caasha oo degan  magaaladda Hargeysa,  waxay si qiiro leh uga warantay wiil ay dhashay oo muddo laba sanno ah aanay maqal geeri iyo nolol waxa uu ku sugan yahay. waxaanay sheegtay in inankeeda  oo la odhan jiray Maxamed Ilyaas Maxamed Koosaar uu  ahaa arday dhigan jiray Jaamacadda Golis ee Magaaladda Hargeysa oo uu sannadkii labaad ku gudo jiray ay gashay hawada  tahriibku.

 

Markii ugu dambaysay ee uu qoyskiisa la soo xidhiidhay waxay ahayd mar uu hooyadii kala soo hadlay magaaladda Low-yacado oo ku taala xadka Somaliland la leedahay dalka Jabuuti.

 

“Waxaan ahay hooyo dhibaataysan wiilkeediina aan wax war ah ka haynin muddo laba sanno iyo badh ah, waxa la iigu  sheegay markii iigu danbeysay magaaladda Lowyo-cado oo waan waayay,  Magafe ilama soo hadal meel aan lacag ugu diro maan helin meel uu ka sanqadhayo oo uu jaan iyo cidhib dhigay ma jirto ilaa imika,”ayay tidhi Hooyo Caasha oo dhibteeda uga warantay Eryal TV.  “Dadka muxsiniinta ah meel kasta oo ay joogaan waxaan ka codsanayaa in wiilkaasi la ii raadiyo.”

 

Hooyo  Caasha waxay sheegtay in shaqo la’aanta ka jirta waddanku ay sabab u tahay inay dhallinyarada Somaliland isku biimeeyaan safarka iyo saymaha tahriibka, “Shaqo la’aantu waa waxa  ubadkeenna kaxaynaya,  marka Ilmihii  oo lagu soo tabcay uu shaqo  waayo ayey badda isku gurayaan,” ayay tidhi Hooyo Caasha Cumar Cali, waxaanay tilmaantay inay jiraan waalidiin badan oo  iyaguna waayey carruurtoodii raq iyo ruuxba.

 

 

“Telefoonkii hadalkiisa iigu danbeeyay Lowya-cado ayuu igala soo hadlay, waxaan ku idhi iska soo noqo, waxaanu igu jawaabay ma soo noqonaye ii soo ducee, waan tagayaaye,”ayay tidhi.

 

Waxa kaloo ay ka raadisay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo ay ka soo weyday, waxaanay tidhi; “Itoobiya iyo Jabuuti ayaan u tagey baadi doon faro badan ayaan u galay helitaankiisa,  laakiin may dhicin inaan ku guuleysto inaan soo helo, hadii uu nool yahay amase uu geeriyooday oo cid uuni  ay og tahay waxaan codsanayaa in  ummadda Islaamka ahi ii  xaqiijiyaan.” Hooyo Caasha waxay xukuumadda cusub ee Somaliland u soo jeedisay inay dhallinyarada u abuurto shaqooyin si looga badbaadiyo halista tahriibka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply