Wasiir Koore oo Booqday Biyo Ballaadhin Laga Fulinayo Berbera

0
328

Berbera (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa shalay kormeer ku tagay ceelasha biyaha ee Faro-deero iyo Laasgumarre, oo ay biyuhu uga yimaadaan magaalada Berbera, isla markaana ay shirkadda DP-World ay ka qodayso ceelal cusub.

Wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay ku talo jirto sidii ay u horumarin lahayd guud ahaan khayraadka biyaha Somaliland, waxaanu tilmaamay in ay dib u eegis ku samayn doonaan riigaga la qotay ee laga ganacsato oo dadka laga qaado lacag badan. Isla markaana ay ka soo saari doonaan go’aamo cadcad.

“Sababta aanu halkan u nimmi waxa weeye annaga oo dareensan in uu innagu soo fool leeyahay wakhtigii xagaaga, waxaanu doonaynaa in magaaladu biyo ku filan hesho, waxaanu doonaynaa in aan qolada qandaraaslayaasha ahna u sheego in ay dedejiyaan oo ay sida ugu dhakhsaha badan u dhammeeyaan hawsha qodista biyaha,” ayuu yidhi wasiirka biyuhu.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray;  “Shirkadda DP-World ayaan aad ugu mahad naqayaa oo iyadu qodaysa ceelashan cusub, sarkaalka DP World u  jooga Bebera waxaan kala hadlay in la dardar geliyo biyahan oo uu ku daro nidaamka biyo gelinta ee ay magaaladu ka cabto, wuuna iga aqbalay, arrinta ugu wayn ee aanu doonaynaana waa in hawshaasi ay siday tahay  u fusho,   oo cabsi baa jirta ah in xiliga xagaaga ay biyo yaraani dhacdo, in aanay suuro-gal noqon in ay biyo la’aani dhacdo, qolada qandaraaslayaasha ahna waxaan mar kale ku boorrinayaa in ay hawshaa si dhakhso ah u dhammeeyaan.”

 

“Dadkii aqoonta u lahaa biyaha markii aan dhegaystay, dhammaan dadka fikirkoodu wuxuu isugu tagay in la qabto biyaha sare, Ceelkan hadda la qodayaana waxa uu ka mid yahay laba ceel oo iyagana ay inoo qoday Kuwayd aad baan ugu mahad naqayaa, waxaana lagu darayaa afarta ceel ee ay qoday DP-Word, waxaana la raacinayaa habka biyo gelina ee ay ka cabto magaaladda Berbera, mustaqbalkana waxaynu uga guuri doonaa dhaamam,” ayuu yidhi Wasiirka horumarinta khayraadka biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Maxamed Muuse Abees, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Waxaanu u soconay in aanu hubino habsami u socodka hawsha ceelasha biyaha ee Faro-deero, si aanu u hubino xaaladda jirta iyo afartan riig ee u diyaar garowga ah, shirkadda qododayna aad baan ugu mahad naqayaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply