Xasan Ciise oo Xisbiga WADDANI u soo Jeediyey in Aanay ku Degdegin Dhaliisha Xukuumadda Cusub

0
336

Hargaysa (Dawan)- Madaxweyne Ku-xigeenkii u horreeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md.   Xasan Ciise Jaamac, ayaa xisbiyada mucaaridka ah kula taliyay in ay isaga hadhaan hadallada xanafta leh ee ay weli ku sii daba taagan  yihiin natiijadii doorashadii madaxtooyada ee lagu kala calaf qaaday.

Waxaanu mucaaridka gaar ahaana xisbiga Waddani ugu baaqay in aanay ku deg degin dhaliisha xukuumadda cusub oo muddo yar jirtay, isla markaana ay dhaliisha mucaaradadu ku fiican tahay marka ay xukuumaddu muddo dhawr sannadood ah xukunka hayso.

i Xasan Ciise, ayaa sidoo kale xisbiga Waddani  xasuusiyay in siyaasiyan ay wanaagsan tahay in xukuumad kastoo dhalata muddada hore la garab gallo, isla markaana wixii talo ah ee ay siinayaan ay si hoos ahaan ugu gudbiyaan, waxaannu yidhi;  “Doorashadii madaxtooyada waa tii lagu kala nasiib qaaday, qolooyinka mucaaridka ah waa kuwii ogolaaday natiijadii doorashada.

Xukuumad  kastoo timaada ama cid kastoo maamul hoggaaminaysa oo timaada, ma inta hore mise inta danbe? Inta danbe waa la naqdin karaa oo wax baa laga sheegi karaa, laakiin lixda bilood ee u horreysa dawlad kastaa waxay u baahan tahay in la garab gallo.

Dawlad kastoo timaadaa waxay xaq u leedahay mudadda hore oo dhan in loo nasteexeeo, in la waaniyo oo inta aan  warbaahinta laga dhaliilin, in si hoos ahaan ah wax loogu sheego. Asalkaba mucaaradadu wax dumin ma aha, waa wax toosin.”

 

Waxa kaloo uu xusay   inuu  madaxweyne Muuse Biixi  ku yaqaano nin taladda wanaagsan qaata, isagoo ku guubaabiyay nin kastoo talo nasteex ah haya in uu madaxweynaha u gudbiyo; “Muuse Biixi, waxaan ku aqaanaa anigu   oo aan ka markhaati ahay  in uu yahay nin talladda wanaagsan ee nasteexa ah qaata. Anigana hore ayuu talo  iiga qaatay,  shirkii dib-u-habaynta SNM ee Baligubadle  oo uu isagu shir-guddoominayay ayuu iga qaatay. Nin kastoo talo nasteex ah hayana waxaan leeyahay ku dhiiro oo ula tag. Haddii sidii aan ku aqaanay uu yahay Muuse, wuu qaadan doonaa, ” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac, oo shalay  warbaahinta kula hadlay gurigiisa magaalada Hargaysa.

Dhinaca kale Xasan Ciise, waxa uu baaq u diray madaxweyne Muuse Biixi oo uu ugu baaqay in ay waajib ku tahay sidii uu ummadda reer Somaliland u midayn lahaa, isla markaana u bogsiin lahaa xanaftii ka dhalatay doorashadii iyo rebshadihii ka danbeeyay, waxaanu yidhi;  “Xukuumadda uu Muuse Biixi hogaaminayo iyo xisbiga Kulmiye, waxaa mar kasta waajib ku ah oo ay talladooda iyo fiilkoodaba  had iyo jeer ku salaysnaato,  midaynta ummadda. Waxaana umadda lagu midayn karaa cadaalad iyo walaalnimo daacad ah, waxaan ahayn ummadda laguma midayn kara.”

 

Md. Xasan Ciise oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi;  “Madaxweynuhuna wuxuu ku balanqaaday maalintii la dhaariyay in uu bogsiiyo nabaradii doorashadii madaxtooyadda ka dhashay iyo dadkii ku dhintay mudaharaadyadii ka danbeeyay.

Waxaanan madaxweynaha xasuusinayaa in shaqadiisa kowaad ay tahay bogsiinta wax allaale wixii dhibaato ah ee ka dhashay doorashadii.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply