Xoghayaha Dawladda Hoose oo ka Xog-warramay Waxyaabaha u Qabsoomay 2017kii

0
353

Hargeysa (Dawan)- Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Mr. Cali Xasan Cawaale, ayaa ka xog-warramay waxyaabaha u qabsoomay sannadkii dhammaaday ee 2017 oo uu sheegay inuu ahaa kii ugu waxqabadka badnaa afartii sanno ee ka horreeyey.

Mr. Cawaale oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Isniintii, waxa uu ugu horreyn shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa ka dalbay inay si hufan iskaga bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

“Shirkan jaraa’id ee aan ku qabanayo xafiiskaygii, waxaan doonayaa in aan kaga hadlo arrimo dhawr ah oo ay ugu horreyso: bulshada ku dhaqan caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland waa inay cashuuraha si habsami ah isaga soo bixiyaan, waayo cashuurtu waa khidmadda loogu adeegyada loogu qabanayo.

Sidaa darteed, bulshada ku dhaqan caasimadda waxaan ka codsanayaa meel kasta oo ay ka joogaan iyo nooc kasta oo ay yihiin, inay cashuurta si habsami ah isaga bixiyaan,” ayuu yidhi Cali Xasan.

Waxa kale oo uu sharraxaad dheer ka bixiyey hawl-maalmeedka shaqo ee dawladda hoose ee Hargeysa iyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee u qabsoomay sannadkii la soo dhaafay, “Qodobka labaad: waxaan halkan ka caddaynayaa in shaqada Dawladda Hoose ay si habsami ah u socoto, wax mashaakil ah ama shaqo naga taagani aanay jirin ee shaqadayadii caadiga ahayd shaqaalaha iyo laamaha dawladduba ka shaqeeyaan, meel fiicanna ay marayso, horumar fiicanna ay waqtigan ama sidii aad horeba uga maqasheen warbaahinta ee madaxda sare sheegaysay, in waxqabad fara badani sannadkan u dembeeyey ka hirgelay Dawladda Hoose amaba hirgelisay, marka loo eego afartii sannadood ee hore, inuu sannadkani yahay boqolkiiba sagaashan (90%) ka waxqabad badan yahay. Taas aad ayaan ugu faraxsannahay, waxa aanan ku hambalyeynayaa shaqaalaha Dawladda Hoose ee laamaha kala gadisan iyo hawlwadeennadeeda ee fuliyey.

Kolley maalintii aan immi Dawladda Hoose Hargeysa dakhligeedu hoos ayuu yaallay, shaqaalaheeduna mushahar hagaagsan ma ay haysan, wax shaqo ah oo markaas socdayna ma jirin.”

Runtii wax badan ayaa qabsoomay sannadkii la soo dhaafay oo ka waxqabad badnaa afartii sanno ee ka horreeyey. Ugu yaraan labaatan waddo ayaa ka hirgalay Hargeysa oo jidadka dhaadheer iyo kuwa gaagaabanba ah.

Waxa kaloo ka hirgalay xarumo dab-damis, sariibado degmooyinka qaar loo dhisay, waxa ku yimi kobac dhaqaale oo kii hore u soo bixi jiray marka la eego saddex jeer ku laban-laabmaya.

Wxa kale oo ku yimi shaqaalihii, mushahar shaqaale oo aannu u kordhinnay, laydhkii waddooyinka oo aannu qaarna ku xidhnay, kuwa dembena aannu ku xidhi doono. Adeegga bulshada oo aannu kor u qaadnay; haddii ay tahay adeegga loo qabanayo oo aannu wax badan ka beddelnay.

Waxyaabo badan ayaa qabsoomay sannadkaas. Runtii sannadihii horena dee sannadkan u dambeeyey ha ka waxqabad badnaadee, waxqabadku wuu jiraa oo wax badan ayaa la qabtay oo qalabkaas aad arkaysaanba waxa la iibiyey sannadihii hore ee lagu shaqeynayo. Laakiin, wixii waddooyin ah sannadkan u dambeeyey ayaa la dhisay, waxqabad badan oo sannadihii hore qabsoomayna way jiraan, balse sannadkani waxa uu ahaa sannadkii ugu waxqabadka badnaa, welibana ku darsoo waxa uu ahaa sannadkii abaaraha, dhibaatada sicir-bararku iyo doorashooyinkuba ugu badnaayeen,” ayuu warbixintiisa ku soo gunaanaday Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply