Xukuumadda oo Dhimaysa Kharaashadka Dawladda 40%

0
316

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Md.  Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa sheegay inay dhimmayaan kharashaadka ay isticmaasho dawladdu boqolkiiba afartan [40%].

 

Wasiirka ayaa ku sababeeyey  in dhimasta kharashka ku baxa hawl socodsiinta dawladda ay ku beddelayaan horumarka, gaar ahaan wax soo saarka.  “Miisaniyadihii hore inta badan waxay ku bixi jireen hawl socodsiinta maamulka dawladnimo, Boqolkiiba sagaashan iyo afar  [94%], miisaniyadan waxaan doonaynaa in aannu dhino kharashka hawl socodsiinta oo aanu ku beddelno horumar kuna soo celino boqolkii lixdan” ayuu yidhi wasiirku.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray in miisaaniyad sannadeedka xukuumadda 2018 ay isticmaali doonaan adeeg casriya oo fududaynaya inay u shaqeeyaan hannaan daah-furan, waxaannu yidhi;  “Miisaniyadan waxa diyaar ah oo aanu adeegsanayaa baraamij casriya oo bandhiga dhaqaalaha duniddu innaga caawiyey  oo imika la hirgelinayo, barmaajikan ayaa innaga caawinaya in nidaamkeenu noqdo mid daah furan oo la xisaabtan sugan leh.”

 

Wasiir Yuusuf,  oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi;  “Miisaniyadan way ka badnaanaysaa tii sannadkii hore, balse farqi weyni uma dhexeeyo maaddaama uu tii hore uu jiray hoos u dhac.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply