Go’aan laga soo Saaray Xaraashka Raashinka Gargaarka ah

0
324

Hargaysa  (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda u diyaar garowga  aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Somaliland Faysal Cali Sh. Maxamed,  ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii lunsata raashinka mucaawimooyinka ah iyo gargaarka loogu deeqo dadka tabaalaysan ee reer Somaliland.

Guddoomiye Faysal oo shalay  la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa caddeeyay  in aan lagu iibin karin suuqyada magaalooyinka dalka raashinka mucaawimooyinka ah.

 

“Waa  in aan la xadin oo aan suuqa lagu iibin mucaawimooyinka la inoogu deeqo,  waa in gacan adag oo bir ah lagu qabto, tallaabo adag ayaanu ka qaadaynaa ciddii lagu qabto iyadoo iibinaysa mucaawimooyinka layna siiyo, waana ku dedaalaynaa in aan suuqa lagu iibin deeq loogu talogalay in la siiyo dad masaakiin ah, waana hawlaha noo yaala,” ayuu yidhi Faysal Cali Sheekh.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in dadka abaartu saamaysay ay kala duwan tahay baahidoodu, waxaanu yidhi “Baahida ay qabaan dadka abaartu saamaysay way kala duwan yihiin, waxaanay u baahan yihiin dawooyin, cunto, biyo iyo wixii ay huwanayeen, markaa dhibaato ba’an ayaa ka jirta gobollada dalka qaar ka mida oo abaartu ay haleeshay, dhawr iyo toban kun oo qoys oo ku nool xeebta gobalka Awdal ayaanu deeqo raashin ah  gaadhsiinnay. baaqa abaartana waanu gaadhsiinay hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba iyo ganacsatada, waxaanuna jecelnahay in si dhakhso ah loo gaadhsiiyo wixii la helaba dadkaa abaartu saamaysay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply