Maamulka gobolka oo gurmad la’aan ku dhaliilay wasaaradda caafimaadka

0
287

Caynaba (Dawan)- Guddoomiye ku xigeenka gobolka Saraar ahna ku simaha guddoomiyaha, Nuur Qaasim Qodax, ayaa sheegay in xannuunka Jadeecada oo ka dilaacay degaano ka tirsan gobolka Saraar ee bariga Somaliland ay u dhinteen lix qof.

 

Nuur Qaasin Qodax, waxa uu wasaaradda Caafimaadka ku dhaliilay in ay ka gaabisay baaq qaylo dhaan ah oo ay u direen oo aanay wax jawaab ah ka soo bixin, islamarkaana ay muddo saddex maalmood gudahood ah ay xannuunkaas u geeriyoodeen laba qof.

“Gobolka Saraar waxa ka dilaacay Xannuunka Jadeecada, waxa ilaa hadda u dhintay Lix qof, Waxaanu qaylo dhaan badan u dirnay Wasaaradda Caafimaadka, balse kamay soo jawaabin qaylo dhaantaa. saddex cisho gudaheed ayey laba qof ugu dhinteen degaannada Ceelal iyo Yaddanka oo ka tirsan gobolka Saraar, Xannuunka waxa degaanada Miyiga u jiifa tiro ku dhow afartan qof,” ayuu yidhi Guddoomiye Nuur.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey raaciyey; “Labaatan cisho ka hor ayaanu qaylo dhaan u dirnay Wasaaraadda Caafimaadka, waxaanu aad ugu dhaliilaynaa dhego adayga ay muujisay Wasaaraddu, shalay ayuu isuduwaha gobolka oo ay ka baaxad weyn tahay hawshaasi uu talaal gaadhsiiyey 45 qof oo degaannada miyiga ku sugan, gobolka marka hore ma leh adeeg caafimaad oo ku filan sida goobaha xarumaha hooyada iyo dhalaanka iyo  Cisbitaalo.”

Nuur Qaasin waxa uu sheegay in gobolka ay ka jirto xaalad abareed oo ay ugu  wacan tahay biyo la’aan baahsan oo ka jirta ku dhawaad toddobaatan tuulo oo hoos yimaada gobolka “Gobolka waxa ka jirta abaar ay ugu daran tahay biyo la’aan ba’an oo ka jirta laba iyo toddobaatanka tuulo ee gobolka hoos yimaada, waxaa gobolka ku yaala  afar ceel  oo ay isugu taageen dadka ku soo barakacay iyo kuwii hore u joogay, xaaladduna way sii xumanaysaa.”

 

Guddoomiye ku xigeenku waxa uu ugu baaqay xukumadda dhexe in ay gurmad degdeg ah la soo gaadho dadka oo ay iskugu  darsameen xannuun, biyo la’aan iyo baad la’aan, waxaanu Madaxweynaha Somaliland Md: Muuse Biixi Cabdi ka codsaday in aannay waxba kala hadhin intii  awoodooda ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply