Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka oo isku Afgartay Qoddob ku Saabsan Doorashooyinka

0
320

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  shalay kulan gaar ah xarunta qasriga madaxtooyada kula yeeshay Gudoomiyeyaasha labada xisbi-mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe).

Waxa kaloo  shirkan goob-joog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha gudaha Somaliland,  Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

 

Kulankan oo ahaa mid daba socday kulamo hore oo ay wada yeesheen asxaabta mucaarid iyo madaxweynuhu, waxa lagu falanqeeyay sidii mucaarid iyo muxaafidba danta guud meel looga soo wada-jeedsan lahaa.

Sidoo kale waxa shirka lagu lafo-guray sidii looga wada shaqeyn lahaa  nabadgelyada dalka oo xukuumad, xisbiyo iyo shacabkuba meel looga soo wada jeedi lahaa.

 

 

 

Waxa kaloo madaxweynaha iyo madaxda mucaaridku ay isku waafaqeen in si wadajir ah looga hawlgalo in doorashooyinka soo socdaa ay ku qabsoomaan wakhtigii hore loogu cayimay. Sidoo kale waxa shirka lagu soo qaaday in laga wada shaqeeyo abaaraha ka soo cusboonaaday gobollada dalka qaarkood.

 

 

Qoraal ka soo baxay xafiiska warbaahinta madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha WADDANI iyo UCID ay isku af-garteen in muhiimad gaar ah la siiyo danta guud ee qaranka, isla markaana meel looga soo wada jeedo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply