Guddoomiye Ramaax oo Wareejiyey Xilkii Badhasaabka Togdheer

0
291

Burco(Dawan)- Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa munaasibad uu ku wareejinayay xilka Guddoomiyaha GobolkaTogdheer taxay hawlaha u yaalla guddoomiyaha  uu xilka ku  wareejinayay.

Waxaanu faah faahin badan  ka bixiyay arrimaha taagan ee u baahan in uu wax ka qabto oo ay ka mid yihiin fulimo dacwado badan oo muddooyin badan taagnaa isla markaana uu ugu yimi iyagoo yaalla intooda aan la fuliina uu shegay in ay yihiin shaqo u taalla guddoomiyaha cusub.

Waxaa  kaloo uu ka hadlay sida gobolka Togdheer  wakhtigan ugu baahan yahay guddoomiye mideeya oo isaga uga wanaagsan waxaanu sheegay in  guddoomiyihii midayn lahaa ee isu keeni lahaa  in Madaxweynaha Somaliland usoo xulay oo uu yahay Guddoomiye Xamse.

Waxaa kaloo uu  ka digay ammarro aan maamulka gobolku ogayn oo laga soo bixiyo caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu sheegay in ay dhibaato iyo culays ku yihiin maamulka gobolka oo aanay shaqo u soconayn haddii amar aanu ka war qabin gobolka laga fuliyo oo Hargeysa kaga yimaadda.

“Guddoomiye hawl adag ayaa kuu taall Burco waxaa laga soo baxay kaambayn waxaa laga soo baxay xisbiyo waxaa laga soo baxay qoqobnaantiiyoo wali taalla Burco waxaa istaagay oo socon waayay sanad iyo badhkii u dambeeyay hawlhiii qaranka ee horumarineed  oo dhammaantood is wada taagay , waxaa ka mid ah mashruucii dam-damiska oo magaaladu aad iyo aad ugu baahan tahay ,mashruucii jeelka weyn ayaa taagan oo  aynu ogayn ballantii uu  Madaxweynuhu innagala  sii balamay,waxaa keliya dhismihiisa  la bilaabay dhakhtarkii hooyada iyo dhallaanka ee dalka Imaaraadka carabtu innoogu deeqay,waxaa taagan garoonkii kubadda cagta,wax alla wixii qandaraas gobolka laga qaatay hal mid ayaa ka dhaqaaqay oo dhakhtarkaas ah kulligood daba gal iyo la xisaabtan ayay kaaga baahan yihiin,manay ahayn jilicsanaan aanu ka jilicnay ee waxaa la galay doorashooyinkii  oo sadexda inane e Burco jooga ee sadexda xisbi garamaantooda gashani waxay u haysteen inanka yar ee kale wuxuu  u qaatay in isaga laga badiyay.”

Guddoomiye Ramaax oo hadalkiisa sii wata  ayaa intaa ku daray. “Madaxweyneyaasha iyo sheekada Hargeysa taalla maaha, bari iyo galbeed oo keliyana maaha ee hawl adag ayaa Burco kuu taalla reer burcona waxan filayaa in ay taa maanta u bisil yihiin adiga laftaadana xalka Burco,ayaa laguu keenay,maanta aniga maalintaydii maaha ee waxaa loo baahan yahay xalkii Burco Burco innoogu ahaan lahayd waan Xamse oo aan kusoo dhawaynayo oo aan raali kaga ahay wali may dhicin nin yidhaahad aniga halkan iga qaada maalintaydii maaha, maalinta siyaasadu meel ayay maraysaa Burcona waji cusub ayay u baahan tahay inteenii wada joogtay ee xisbiyada kala ahayd ee TV-yada iska caayaysay xal maaha taas ayaanu ku yimi guddoomiyuhu xukuumadduna ugu soo garatay ha lagula shaqeeyo ,ayaan leeyahay.”’

Guddoomiye Ramaax oo ka hadlaya hawlaga hor yaalla guddoomiye Xamse ayaa yidhi. “ waxaa halkan kuu yaalla in dabeecii maamul uu wali taagan yahay maalin dhawayd waxaan ku war helay rasaas suuqa ka dhacaysa waxa lagaaga baahan yahay sidaad maamulka magaalda gacanta ugu qaban lahayd,aadna waxaan uga cabanaynaa awaamiirta Hargeysa ka soo baxaysa ee aan maamulka gobolku ogayn hadday taasi kugu sii socotona waxba qaban kari maysid. Waxaan kuu sheegayaa  magaalada iyo gobolkaba adiga ayaa   madax ka ah adiga ayaa taliyaha qaybta xukuma adigaa maayerka xukuma adigaa siuduweyaasha xukuma,badhasaabku wuxuu wakiil ka yahay  ee uu calanka u sitaa Madaxweynaha ninkii u haysta in gobolka meelo kale laga xukumi jiray waxaan u sheegayaa gobolku waa gobol waanu madaxbannaan yahay badhasaabka ayaana ugu sarreeya  cid ku hasataana ma jirto. Waxaa kaloo jirta gobolka meelo badan waxaa ka bilaabmay deegaamaynta dhul daaqsimeedka tallaabo adagna waanu ka qaadnay hawshaasina way socotaa waxaana loo baahan yahay in aad  halkaa ka sii waddo oo dhul daaqsimeedka aad badbaadiso haydh tuuleyaasha amarka gobolka u hoggaansami waayanaya tallaabo dawladeed in aad ka qaado ayaa kuu taalla.

Waxaa kaloo halkan kuu yaalla 35 fulinood ,shan iyo soddonkaa fulinood oo qaarkood lagu dhintay kuwo ka mid ahi waxay taagnaayeen 17 sano oo  maalin walba aniga TV-yada la igaga caayo oo maanta(shalay) oo ugu dambaysay la igu soo caayay,kiiska 17 sano socday een sadex tallaabo hore u soo qaaday ee inyari u hadhsan tahay waa ka ugu fudud,waxaana lagaaga baahan yahay in aad si weyn uga hawl gasho ood aad ula socoto ,35,kaa fulinood  oo qaarkood badhasaabkii hore   oo hadda innala joogaa  uu kaga tegay  oo ay in badan oo halkan imika innala joogtaa ileeyihiin badhasaabka kala sii ballan waa hawl ku sugaysa,markaa waxaan ku leeyahay  aad uga fiirso oo iska hubso oo haku deg degin nin waliba wxuu kuu sheegan doonaa in uu isagu saxsan yahay markaa aad iskaga illaali oo iska hubso oo  yaan laguu dhuubin ,xataa fuilimaha dawladda hoose ka yimaadda waa in aad ka war qabto ood ogaato ood la socoto ood iska hubiso.”

Waxaa kaloo uu intaa raaciyay “waxaa jira 1500 oo qoys oo raashin ka qaata gobolka raashinkaas oo aan wada gaadhin dadkii loogu talo galay ee baahnaa waxaana dhacda in rag haydh tuuleyaal ah iyo odayaasha qaarkood in ay innamadooda iyo hablahooda ku qoraan oo ay ku qaataan taasoo meesha ka saartay in dadkeenii jilicsanaa ee abaarta ku caydhoobay ee loogu talo galay in raashinkaasi uu gaadho in dhexda looga  galo oo aanu wada gaadhin in badan ayaanan ka hawl galnay oo tallaabo ayaanu ka qaadnay dad aanu ku ogaanay inta dhimmanna waxaa lagaa rabaa in aad wax ka qabato raashin yar maaha  wuu ku filan yahay dadka loogu talo galay ee u baahan  hadday reer Burco isleeyihiin dadkiina waxba lama siiyo raashin aad u badan ayaa gobolka la siiyaa laakiin ciddi odayaasha ahayd ee loo dhiibay ayay qaarkood  jidgooyo ku yihiin.”  

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply