Somaliland oo Mamnuucday Gudniinka Fircooniga ah

0
396

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa  shaacisay  qaraar ay  dalka kaga mamnuucday in hablaha lagu gudo gudniinka fircooniga ah. waxaanay soo bandhigtay ciqaabta ay  mudan doonaan  ciddii  ku gabood fasha hablaha ee ku samaysa  gudniinka fircooniga ah oo ah caado  ka baxsan diinta Islaamka.

 

 

Waxa kaloo ay xukuumaddu  faahfaahin ka bixisay   magdhow la siin doono hablaha lagu sameeyo gudniinka fircooniga ah. waxa fadwo soo saaray shalay wasiirka diinta iyo awqaafta, Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed.

 

 

 

 

Agaasimaha guud ee wasaarada diinta iyo aw-qaafta,  Aadan Cabdillaahi ayaa warbaahinta u akhriyey go’aankan waxaanu yidhi “Maanta (shalay)  waxay inoo tahay fursad wanaagsan iyo bilow wanaagsan inaynu  hablaheenii ka  mamnuucnay,  danbina ka dhignay  oo aynu isla qaadanay in aan hablaheenna lagu samaynin gudniinka la yidhaahdo  fircooniga.

 

1- In gudniinka hablaha ee sharciga ahi yahay, mid waajiba oo waafaqsan shareecada Islaamka, sida ku cad nusuusta iyo mad-habta shaaficiyada ee lagaga dhaqmo dalkeenna Jamhuuriyadda Somaliland;

2- Waxa xaaraan ah  oo danbiya gudniin kasta oo aan waafaqsaneyn amase khilaafsan gudniinka sharciga ah ee kor ku xusan, kaas oo dhaliya amase keena googoyn, tol-tolis, sida gudniinka fircooniga iyo wixii la mida;

3- Gabadh kasta oo la kulanta gudniinka fircooniga ah, waxay yeelaneysaa magdhaw ku saleysan hadba inta uu leeg yahay dhaawaca amase gabood-falka loo geystay;

4- Qof kasta oo ku kaca gudniinka loo yaqaano fircooniga,  waxa uu muteysanayaa ciqaab ku salleysan hadba inta uu leeg yahay gabood-falka uu geystay;

5-Wasaaradda diinta iyo awqaafta waxay baaq u diraysaa dhammaan waalidiinta, ururrada bulshada rayidka ah, iyo kuwa dawliga ahba, kana shaqeeya wacyigalinta iyo joojinta gudniinka fircooniga ah ee loo yaqaano FGM-ka inay dhaqan galiyaan fadwadan wasaaradda isla markaana ay ka feejignaadan inay cid kale ka qaataan fadwo aanay ogoleyn wasaaradda diinta iyo awqaaftu.”

Go’aankan ayaa daba socda xeer lagu suulinayo   kufsiga oo dhawaan ay ansixiyeen golaha wakiillada Somaliland, kaasi oo jidaynaya in qofka fal-dambiyeed kufsi la xidhiidha  lagu helaa uu muddan doono soddon sannadood oo xadhig ah. xeerkan oo loo gudbinayo  golaha  guurtidda, waxa Somaliland lagu ammaanay qorshaha ay ku xakamaynayso kufsiga oo ku soo batay  sannadihii la soo dhaafay magaalooyinka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply