Taliyaha Ciidanka Boocame oo ku Taliyey in Adeegyadii Daruuriga ahaa Laga Fuliyo Degmadaas

0
296

Hargeysa(Dawan)- Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee degmada Boocame ee gobolka Sool,  Maxamed Khaliif Miraafe, ayaa sheegay in loo baahan yahay in la hawlgaliyo maamulkii degmada ee fulin lahaa adeegyadii daruuriga ahaa ee bulshada.

 

 

Taliyuhu waxa kaloo uu caddeeyey in ciidammadii degaanka ee dhawaan la qarameeyay ay shalay qaateen mushaharkii iyo raashinkii ugu horreeyay.

 

Taliyaha oo xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Dawan,wuxuu  xukuumadda ugu mahadceliyey siday ula shaqeysay ciidankiisa, waxaanu yidhi;  “Waxaan si aan qiyaas lahayn ugu mahadcelinayaa madaxweynaha Somaliland  iyo dhammaan saraakiisha ciidanka qaranka oo uu Taliye Nuux Taani ugu horeeyo, waxaan maanta [shalay] qaadanay mushaharkii iyo raashinkii u horreeyay ee ciidanka laga qarameeyey Boocame, iyadoo ciidanka ku sugan degmadaasi  go’aansadeen  ka mid noqoshada ciidanka qaranka Somaliland.”

 

Waxa kaloo taliye Maxamed Khaliif  sheegay in la dhaqaajiyo maamulkii degmada,  waxaanu yidhi “Degmada Boocame waxa meel walba iyo  guri kasta waxaa ka lusha calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo aan lagu khasbin ee ay dantooda ka dhex arkeen.

Sidaa awgeed,  waxa iyaduna muhiim ah in laga faa’iideysto oo dhinaca maamul daadejinta iyo baahiyaha kale ee bulshadu qabto lala arko, waayo waa mid dareenkeeda leh maamulka Garoowe caasimadooda iyo degmadu waxay isu jiraan 40 km.”

 

 

Taliyaha ciidanka  Boocame waxa uu  intaas ku daray in ciidankiisu garabka ugu weyn ee ay haystaan yahay shacabka degmada oo u bislaaday nabadgelyada iyo inay wax la qabsadaan dawladooda Somaliland.

 

 

Degmada Boocame ayaa noqonaysa tii ugu danbeysay ee dhinaca xuduuda ay Jamhuuriyadda Somaliland la wadaagto Soomaaliya ee ciidanka qaranku la wareegaan, waxaanay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda ee la xidhiidha  sugida xuduudaha dalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply