Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada oo caddeeyey inuu la shaqeynayo madaxweynaha

0
337

Hargeysa(Dawan)- Afhayeenkii hore ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland,  Eng.  Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa sheegay xilka uu tiriyey aanay ku abuuraynin xumaan isla markaana aanay ka fogayn karin madaxweyne Muuse Biixi oo uu tilmaamay inuu xaq dastuuriya u leeyahay magacaabista xilalka fulinta.

 

 

Eng. Xuseen Dayr, wuxuu sidaas ka sheegay xafladii uu xilka ugu wareejinayey afhayeenka cusub ee madaxtooyada, Maxamuud Warsame Jaamac, oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada.

 

 

“Hadafka iyo himilooyinkayga siyaasiga ahi kuma salaysna kursi-doon iyo kala jeclaysi xilalka qaranka aan ku kala xulanayo, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi-na isaga ayaa xaq distoori ah u leh inuu xilalka fulinta ee qarankeena uu qof u magacaabo, ama ka beddelo, xilka Afhayeenka ee uu madaxweynuhu iga wareejiyeyna maaha mid igu beertay xumaan ama  madaxweynaha iga fogayn karta,”ayuu yidhi Afhayeenkii hore.

 

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray inuu madaxweynaha iyo xisbal-xaakimka KULMIYE ula shaqeyn doono si buuxda, waxaanu yidhi;  “Madaxweynaha si dhaw baanu u soo wada-shaqaynay muddadii uu tartanka doorashooyinka ku jirey, guushiisuna waa guushayda, waxaana aan balan qaadayaa in aan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo xisbiga KULMIYE si buuxda oo aan hagrasho lahayn ula shaqayn doono.”

 

 

Agaasimaha guud ee madaxtooyada, Marwo Khadra Xaaji Geydh, ayaa iyaduna bogaadisay afhayeenkii hore, waxaanay soo dhaweysay afhayeenka cusub waxaanay tidhi;  “Afhayeen Xuseen Dayr waxaan leeyahay waad ku mahadsan tahay sidii wanaagsanayd ee aynu usoo wada-shaqaynay, dadkuna marka ay wada-shaqeeyaan dadka kale way iska xigaan oo ay iskaga aqoon badan yihiin, marnaba maynaan kala tegin oo kala tagi mayno, si fiicanna waanu kuu sagootinaynaa, Afhayeenka cusubna waxaan leeyahay, waanu kula shaqayn doonaa, waaxda saxaafadduna waa waax habeen iyo maalinba shaqaysa.

Sidoo kale, Afhayeenka cusub ee madaxtooyada  Somaliland,  Maxamuud Warsame Jaamac,  ayaa uga mahadnaqay madaxweynaha xilka cusub ee uu u gartay, waxaana uu sheegay inuu muhiimad gaar ah siin doono sidii uu xilkaas ugu gudan lahaa hab milge iyo maamuus leh.

“Xilka afhayeenka madaxweynuhu waa masuuliyad weyn, waa afkii madaxweynaha qaranka, waa hagaha baahiya awaamiirta madaxweynaha, waa meel iyo mansab ay u dheg-taagayaan ummaddii qasriga laga maamulayey ee indhahoodu ay halkan (madaxtooyada) soo eegayeen, in aan xilkan qabto aad baan ugu faraxsanahay, xilalka qarankana kuma cusbi, xilalka qaranku mar waa xil qaran, marna waa meeshii  lagu metello meel kaliya, kan aan maanta la wareegayaana waa mid mug iyo miisaan leh, aniga oo ka duulaya mudnaanta iyo miisaanka uu leeyahay, waxaan muujin doonaa masuuliyadda, maamuuska iyo milgaha uu xilkani mudan yahay, waana xil xeelad, xurmo iyo xasaanad weyn huwan, aniga oo taas hammiga ku hayana waxaan ku hagi doonaa hufnaan, hubsiimo iyo hawl-qabad,”ayuu yidhi afhayeenka cusubi.

 

Agaasimaha waaxda saxaafadda ee madaxtooyada,  Naasir Yuusuf Daahir oo halkaa ka hadlay, ayaa ku dheeraaday guud ahaanba xafiiska warbaahinta madaxtooyada iyo wada-shaqaynta xafiiskani la leeyahay afhayeenka oo bah-wadaag yihiin, waxaana uu afhayeenka xilka wareejinaya ku sifeeyey shakhsi hawlkar ah oo shaqo-wanaagsanaa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply