Natiijada Shirar Madaxweynuhu la Yeeshay Komishanka iyo Hoggaamiyeyaasha Mucaaridka

0
310

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay kulan gaar ah xafiiskiisa kula qaatay Guddoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

Kulankan oo ah kii saddexaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi la yeesho hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ee Somaliland, ayaa ahaa mid wada-tashi iyo is xog-waraysi ah oo madaxweynaha iyo madaxda labada xisbi mucaarid kaga munaaqishoodeen arrimo ku wajahan danta guud ee qaranka.

 

Waxyaabaha liishaanka lagu saaray kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada hoggaamiye xisbi mucaarid, ayaa waxa kamid ahaa sidii meel looga soo wada-jeedsan lahaa xoojinta midnimada ummadda iyo adkaynta nabadgelyada qaranka, waxaana ay hoggaanka xisbiyada mucaaridku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin inay madaxweynaha kala shaqeeyaan danaha guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee WADDANI iyo UCID,  Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sidoo kale la iskula meel-dhigay in wada-jir iyo isku-duubni lagu wajaho bogsiinta dhammaanba wixii xanaf iyo xagtimo ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka qabsoontay dhammaadka sannadkii tegay ee 2017-ka.

 

Waxa kale oo kulankan la la iskula meel-dhigay sidii saddexda xisbi qaran, iyaga oo isku duuban ay uga wada-hawlgeli lahaayeen hirgelinta doorashooyinka  Baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka ee dalka ka qorshaysan sannadka soo socda ee 2019-ka.

 

Madaxweynaha iyo hoggaamiyeyaasha mucaaridku, ayaa sidoo kale shirkan iskula gartay inay saddexda xisbi ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI yeeshaan wada-shaqayn joogto ah, lana hirgeliyo guddi  ka kooban 15-xubnood oo xisbi waliba yeelan doono 5-xubnood, si loo xoojiyo wad-shaqaynta axsaabta qaranka. Geesta kalena, kulankaas ka hor, waxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, uu shalay subax xafiiskiisa kula shiray Guddida doorashooyinka a oo uu ku booriyey inay sameeyaan jidwal rasmi ah ku saabsan sidii loo qaban lahaa doorashooyinka isa saarka ah ee Goleyaasha Wakiillada iyo Goleyaasha degaanka oo loo cayimay inay qabsoomaan 13-March-2019-ka.

 

Madaxweynuhu wuxuu Komishanka doorashooyinka sidii ay u qaban lahaayeen doorasho xor ah oo aan maalin ka dib dhicin wakhtiga loo muddeeyey. Xubnaha guddida doorashooyinka,  ayaa dhinacooda balan-qaaday inay hawshaasi siddeeda u fulin doonaan, kuna dedaalayaan in aanay maalin dib u dhicin doorashadu; sidoo kalena, ay dalalka Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ka hayaan balan-qaad rasmi ah oo ay ku sheegeen  inay diyaar la yihiin, wixii kharashaad ah ee ku baxaya doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha degaanka, maadaama oo xukuumaddu muujisay sida ay uga go’an tahay inay doorashooyinkaasi waqtigooda  ku qabsoomaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply