Ciidanka Qaranka oo Jawaab Adag ka Bixiyay Dacaayado ka soo Yeedhay Puntland

0
421

Buuhoodle(Dawan)-  Ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixiyay war been abuur ah oo maamulka Puntland ee Soomaaliya kaga been sheegay ciidanka qaranka ee aagga Buuhoodle oo ay ku sheegeen in ciidanka  tirsan ciidanka qaranka Somaliland in ay u goosteen Puntland oo ay ka baxsadeen ciidanka qaranka Somaliland.

 

Warkaas oo ah mid aanay waxba ka jirin oo been abuur ah isla markaana Maamulka Garoowe uu warbaahinta muuqaalka ah ka sheegay war foojari ah oo ciidan ay puntland leedahay intay warbaahinta hor keeneen ay ku sheegeen  in ay yihiin ciidan ka soo goostay Ciidanka Qaranka Somaliland.

Saraakiisha ciidanka qaranka ee fadhigoodu yahay Buuhoodle oo jawaab adag ka bixiyay warkaas ayaa sheegay in Puntland ay marayso in ay  ciidankeedii marbameel TV kaga duubto oo ay ku sheegto ciidan ka soo goostay Somaliland taasoo ay uga digeen in ay Puntland ka waantawdo in ay ciidanka qaranka ka been  sheegto oo war aan jirinay ka faafiso waxaanay taasoo haddii ay ka waantoobi waydo ay ciidanka qaranku u sheegeen maamulka Garoowe in ay tallaaboka qaadi doonaan.

Saraakiisha ciidanka qaranka ee guutada 95 aad ee fadhigeedu  uu yahay gobolka Buuhoodle kuna sugan magaalada Buuhoodle  oo si adag u beeniyay warka Pntland ku sheegatay in ciian ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland ay isu dhiibeen maamulkooda ayaa yidhi.

“wax maanta [shalay] ciidanka qaranka ee Somaliland ee fadhigeedu ahaa carro weyn ee ku soo guuray amarka taliyaha kuna soo degay Buuhoodle wax ka maqani ma jiraan waxaanu nahay  guutada 95 aad ee ciidanka qaranka Somaliland waxaanan si cad u beeninaynaa war been abuur ah oo maamulka Puntland in ay yimaadeen deegaanka Carro weyn isla markaana ciidan iyaga ka tirsan intay keeneen in ay ka sheegeen warbaahinta in ciidankii Somaliland ee Buuhoodle in ay ku biireen Puntland warkaasna waxba kama jiraan waana been abuur,Puntland waxay maraysaa in ay ciidankeedii ka dhigto ciidamo Somaliland ka soo goostay oo isu dhiibay,waxaa carro wayn laga sheegay ee warbaahinta laga sii daayayna waxba kama jiraan ciidankii qaranka Somaliland ee Buuhoodle fadhigoodu ahaa waa annaga  oo ah guutada 95 ee la qarameeyay 2016-kii waxaanan Puntland uga digaynaa in ay ka waantawdo faro gelinta ay  Somaliland iyo deegaanka Buuhoode ku hayso hadday ka joogsan waydo faro gelintaasna waxaan u sheegaynaa in ciidanka qaranku diyaar  u yahay in uu ka difaaco dalka cid kasta oo cadaw ku ah.”

Sarkaal kale oo ka tirsan taliyeyaasha guutada 95 aad ee ciidanka qaranka Somaliland ee ku sugan fadhiisimada Buuhoodle,ayaa sheegay in 8 askari oo fakad kaga maqan oo baxsad ah in ay Puntland ku dartay ciidan ay iyadu leedahay oo ku sheegeen in ay yihiin ciidan ka soo goostay Somaliland. “annaga oo ah ciidanka qaranka ee jiidda Buuhoodle gaar ahaan guutada 95 aad ee ciidanka qaranka waxaanu caddaynaynaa in 8 asraki oo  fakad naga ah in ay naga maqan yihiin laakiin haddii ciidankoodii ay ku sheegeen in uu yahay mid u goostay dhankooda iyaga ayay ciidan la,aan u tahay laakiin waxaan u sheegaynaa in aannaan u dul qaadan doonin waxay waddo Puntland iyo been abuurka ay ciidanka qaranka kasheegayso carro weyn iyo meel kale toona kaga hadhi mayno hadday faro galinta joojin waydo Puntland ee taa ha ogaato.”

Odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle ayaa iyaguna dhankoda caddeeyay in warka Puntland ay sheegatay in uu been abuur yahay oo ciidankii qaranka ee Somaliland uu halkoodii joogo cid ka goosatayna aanay jirin.

 

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka qaranka degmada Balli-cad Gaashaanle sare Cabdilaahi dheere oo ay weheliyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka qaranka jiidda hore ee Somaliland,ayaa kala wareegay   Masuuliyiinta maamulka Khaatumo laba boqol oo askari iyo todoba gaadhi, kuwaas oo ay qarameyn doonto xukuumada Somaliland.

Munaasibad lagula kala wareegayay ciidamanka iyo gaadiidka masuuliyiinta Khaatumo  ku wareejinyeen saraakiisha ciidanka qaranka ee degmada Balli-cad,ayay ka hadleen madax maamulka Khaatumo ka socotay waxaana halkaa ka  hadlay Keyse Cabdi Yuusuf oo maamulkii Khaatumo ee Somaliland heshiiskala galay u qaabilsanaa dhanka ammaanka  waxaanu  sheegay in ciidamadani laga bilaabo  maanta (Shalay)  oo ah markii lagu wareejiyay ciidanka qaranka in ay ka mid yihiin ciidamada qaranka Somaliland.

Waxaanu intaa u daray in qaramaynta ciidankani ay ka mid ahayd waxyaabihii ay Somaliland iyo Khaatumo ku heshiiyeen.
Axmed Xaaji Cali  oo isna Khaatumo u qaabilsanaa dhanka warbaahinta oo  munaasibaddaa ka hadlayay,ayaa yidhii “Arrintan maanta inna kulmisey ee inteenan oo dhan isu keentay, ee aynu taariikhdaa ku suntannahay, waa hishiiskii Caynabo ka dhacay 20-kii Oc, kuna hishiiyeen Somaliland iyo Khaatumo, heshiiskaasi qodobo ayuu lahaa oo hadal iyo rayi ayaa leys yidhi, fulinbuu u baahnaa marka uu heshiis fulayo ee dhaqan gelayana maanta oo kale maaha, macnuhuna waxaa weeyaan maanta lama heishiin ee meelo badan ayuu soo maray oo gudo iyo dibadba leh, qarameynta ciidankuna waxaa uu ku jiray heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo, ciidankii koobaad ee Khaatumo ee aanu ku wareejino ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland annagoo wasiiro ahaan iyo Khaatumo ahaan munaasibadiisi ayaynu maanta isugu nimid”

Keyse Cabdi Yuusuf oo hadal kooban kajeediyay munaasibadda ayaa yidhi. “Qodobkii ugu horreeyay ee hirgaley waxaa uu ahaa in xabad joojina la sameeyo nabad-na la wada qaato, waayo haddii aan nabadi dhicin wada hadal ma soconayo, waxaan halkan uga mahad celinayaa xukuumadii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo iyadu wada hadalkan bilowday, sidoo kale waxaan halkan uga mahad celinayaa gudidii labada dhinac aheyd ee dulqaad iyo siyaasad iyo xirfad aqooneed ku shaqeynayay, heerka maanta soo gaadhsiiyay, iyada oo labadaasi ciidan isku meel qudha ay wax ku wada cunayaan isku hawla wada qabanayaan, waxaa kale oo aan halkan uga mahad celinayaa shacabka Khaatumo iyo ka Somaliland oo labadubana nagu gacan siinayay heshiiskaasi iyo nabaddaa, waxaan kugu wareejinayaa laba boqol oo askari iyo shan baabuur oo Tikniko ah gaadhiga xamuulka ah iyo booyada biyaha ah, intaasi ayaan kugu wareejinayaa saacada aan taaganahay iyo bisha 13-ka ahba.”

Intaanu hadalka dhammayn ayuu  Kayse  halmar su’aal waydiiyay ciidankii uu wareejinayay waxaanu ku yidhi.”ninkaas taliyaha ahbaad kala xidhiidhaysaan wixiina raali ma ku tihiin gacanta taaga,ciidanka qaranka Somaliland saw ma tihidin.” Dhammaan ciidankii la qarameeyay,ayaa hal mar ku wada jawaabay  haa, haa,ciidanka qaranka Somaliland,ayaanu nahay waanan ahaanaynaa.”

Taliyaha ciidanka qaranka ee degmada Bali-cad gaashaanle sare Cabdillaahi Dheere oo isna hadal kooban munaasibadaasi ka jeediyay ayaa sheegay inay yeelan doonaan xuquuqda ciidamada qaranka Somaliland ay leeyihiin waxaanu yidhi “Saacaddaa laga bilaabo waxaad ka mid tihiin ciidanka qaranka  askari kastaana waxaa uu leeyahay xuquuqda ciidanka qaranku leeyahay, waajibkaad leedihiin ee ciidanimo ayaa leydinka rabaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply