Farsamo Yaqaan Hawl-kar ahaa oo ka Baxay Bahda Warfaafinta

0
336

Hargeysa(Dawan)-Alle ha u naxariistee waxa  magaalada Hargeysa ku geeriyooday Eng. Xasan Jaamac Caabi oo ka mid ahaa far-samo-yaqanaanada waaweyn ee  idaacadda  Radio Hargeysa,  oo muddo 30 sannadood ku dhow uu ka shaqeynayey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa  bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ka tacsiyadeeyay  geerida Marxuum- Xasan Jaamac Caabi, waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyay muwaadin hawl-kar ah oo dalkiisa u soo shaqeeyey. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng Xasan Jaamac Caabi oo ku geeriyooday 12/02/2018, magaalada Hargeysa.

Marxuumka oo ahaa farsamo yaqaan iyo tafatire 30 kii sanno ee u danbeeyay ka soo shaqeeyey Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, gaar ahaan  idaacada Radio Hargeysa kana midka ahaa  rukumada idaacada Radio Hargeysa ka hawl-gala, kaalin weyna ku lahaa isbadaladii koboca warbaahineed ee Radio Hargeysa iyo ta dalkuba ku tallaabsatey wakhtiyadii kala danbeeyay, isagoo marxuunku ka tirsanaa odayaashii gacanta weyn ka geystay kana shaqeeyay horumarinta saxaafadda Somaliland, kuna sifeysnaa dulqaad, hawlkarinimo iyo daacadnimo uu ku gudan jirey waajibaadka shaqo ee uu qaranka u hayay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo,”ayaa lagu soo gunaanaday dhambaal tacsi ah oo uu ku saxeexnaa  afhayeenka madaxtooyada, Maxamuud Warsame Jaamac.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply