Komishanka oo ka Hadlay Maalinta ay Qabsoomayaan Doorashooyinka Wakiillada iyo Degaanka

0
301

Hargaysa (Dawan)-Guddiga  doorashooyinka qaranka jamhuuriyadda Somaliand,  ayaa shaaca ka qaaday in doorashooyinka golaha Wakiillada iyo goleyaasha degaanka ay isku mar dalka ka dhici doonaan horaanta sannadka 2019-ka.

Sida uu sheegay guddoomiyaha komishanka doorashooyinka C/qaadir Iimaan Warsame, oo  warbaahinta la hadlay kadib kulan ay shalay la yeesheen guddiga joogtadda ah ee golaha Wakiillada Somaliland. Waxaanu  yidhi “Shaqadaynu u diyaar garoobaynaa waa shaqadii dooraashooyinka ee goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda, oo  u mudaysan siday maxkamadu u mudaysay, baarlamaankana ka soo baxay 27/03/2019-ka. Hawshaasina waanu u soo bandhignay halkaanu marayno, sida aanu ugu diyaar garoobayno iyo waxyaabaha loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo. Haddii ay tahay xisbiyadii qaranka, haddii ay tahay barlamaanka, komishanka iyo xukuumadaba, wixii laga wada shaqayn lahaa iyo sidii  markii hore-ba loo wada shaqaynayay in aynu u wada shaqayno.”

Guddoomiyuhu waxa kaloo uu intaas raaciyey;   “Doorashadan oo ah doorasho isku sidkan, iyadoo markii u horaysayna ay tahay doorashooyin noocaas ah, taana sidii shacabka, xukuumadda, baarlamaanka iyo komishankaba looga wada shaqayn lahaa ayaanu ku guddo jirnaa. Shaqadii komishankuna sidii ayay u socotaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply