Awaamiir Lagu soo Rogay Laamaha Dawladda Gobolka Sanaag

0
323

Sanaag(Dawan)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa awaamiir ku soo rogay  laamaha  dawladda ee Gobolkaas, isla markaana amray inay ilaaliyaan saacadaha shaqada.

Guddoomiye Tiimbaro waxa uu sidaas ku sheegay kulan uu maalintii Salaasadii  toddobaadkan la yeeshay isuduwayaasha iyo masuuliyiinta laamaha dawladda ee gobolkaasi sanaag, kuwaas oo uu dul dhigay amarro iyo digniino uu ku farayo gudashada waajibaadka shaqo iyo ilaalinta saacadaha shaqo, iyo baratakoolka xidhiidhka laamaha dawlada, isla markaana waxa uu mamnuucay inay isu-duwayaashu xidhiidh toosa la sameeyaan Wasiirrada

“Laga bilaabo 7:00 subaxnimo ilaa saacada shaqada, waa in Xafiisyadiina la idinka helaa, haddii aydaan kumaqnayn meel kale oo aynu gaadhnay aanay jirin. Hawluhu way iska baddan yihiin oo kolba dhan ayaa loo yaacayaa, hadana waa inaynu shaqadeena joogteeno oo Xafiisyadeenu furnaadaan oo mushkilada gobolka aynu innagu xalinaa ayaa laynooga baahan yahay, in mar-walba gurmad dibada inooga yimaado maaha ILAAHAY rag ayuu innaga dhigay masuuliyiin ayuu innaga dhigay, ”.Ayuu yidhi Badhasaab Tiimbaro.

Isaga oo hadalkiisa sii watayna wuxuu  yidhi “Waxa laynooga baahan yahay talaabo kasta oo innagu timaada, wax inaga xoog roon mooyaane wixii itaal-keena inaynu innagu xalino, oo xafiiska baahiyi u timaado ee taageero u baahan inteena kale aynu taageerno, oo inaga oo wada jirna wax walba wada qabano. Wasiir la la hadlayaa ma jiro, Wasiirka markaad la hadlaysaan waa inaan waraaq nuqula aad I siisaan. Hadaad diido oo aad tidhaahdo waxa layga xukumaa meel halkaas ah, lagaama xukumee ninkastoow waxa lagaa xukumaa Ceerigaabo. Sidaas ayaynu ku wada Shaqeynaynaa. Wasiirka waxaad ka soo goosan-weydo aniga ayaa ka soo goynaya. Haddu adiga ku maqli-waayo oo uu aniga I maqli-waayo meel kale oo aynu u ashkatoono ayaynu leenahay. Laakin haddiise aynu inagu is-qarsano waxeenu qarsoodigaas ayuunbuu ahaanayaa. Dhufeyska waa laga baxayaa oo si cad ayaa loo wada shaqeynayaa.”

Mr. Tiimbaro waxa uu kula dar-daarmay isu-duwayaashu inay ilaaliyaan nidaamka dawladeed, isla markaana aanay jiri doonin isu-duwe danbe oo beeshiisa dabada gelin doonaa marka xilka laga qaado.

Awaamiirtan ka soo yeedhay Tiimbaro ayaa waxay noqon doonaan kuwo wax ka bedeli doona bah-sami u socodka shaqo ee laamaha dawlada ee gobolka Sanaag.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply