Somaliland Marathon oo Markii Horeysay Lagu Qabtay Hargeysa

0
535

Hargeysa(Dawan)-Tartanka orodka dheer ee Somaliland Marathon, oo ay ka qayb galeen, orodyahanada dalka iyo kuwo caalamka ka socday, ayaa markii ugu horeysay maanta ka qabsoomay caasimada Hargeysa.

Orodkan, lagu tartamayay, 42 km iyo 10 km, oo 205 orodyahan ka qayb qaadanayeen,  27 kamid ah ayaa ahaa shaqsiyaad orodada caalamiga ah ka qayb gala, kana soo jeeda wadamada qaarada Yurub.

39 jir, David Mor una dhashay waddanka Ingiriiska, ayaa galay kaalinta koobaad ee orodka 42 km, waxaanu ku dhamaystiray 2 saacadood iyo 55 ilbidhiqsi, waxaana kaalinta labaad galay orodyahanka reer Somaliland ee Guuleed Mawliid Cabdilaahi.

Dhinaca, 10 km, waxaa kaalinta koobaad galay, Siciid Farxaan Cumar oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, kaalinta labaadna waxaa galay Xamse Haybe Aadan oo Somaliland u dhashay.

Tartanka waxa maal-gelintiisa qayb weyn ka qaatay Shirkaddo badan oo Waddani ah, kuwaasoo dhinaca Kharashka ka saaciday Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo qabatay.

Tartanka ayaa markii uu soo gabagaboobay, waxa abaal-marino lagu guddoonsiiyey Orodyahanada Kaalmaha hore galay, munaasibad lagu qabtay Garoonka Kubbada Cagta ee Hargeysa Stadium, taasoo ay ka qayb-galeen masuuliyiin ka socda Xukuumadda iyo laamaha kale ee Dawladda.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhallinyarada iyo ciyaaraha Somaliland, Maxamed Xuseen Dhabeeye, isagoo faahfaahin ka bixiyey ahmiyada uu tartankani u leeyahay dhallinyarada Somaliland waxaanu yidhi;  “Marka hore waxaanu u mahad naqaynaa dadkii hawsha gacanta ka gaystay ee xilka weyn iska saaray iyo dhaMmaan dadkii kale ee hawshan ka gacan gaystay, haDday tahay mid dhaqaale, mid fikir iyo mid maskaxeedba. Arrintani maanta waxay Somaliland u tahay magac weyn, waxaana lagala socdaa dunida oo dhan. Oradkani waxa uu noqon doonaa mid joogto ah oo sanmad walba qabsooma, waxaana uu noqonayaa Somaliland Marathon, magaciisana xagaas baa maanta lagu wanqalay. Sida kuwa kale ee adduunka ka dhaca ayaana lagu tartami doonaa. Waxaynu doonaynaa inaynu halka aynu hiigsanayno gaadhno.”

Waxa kale oo madasha ka hadlay Wasiirka wasaarada  ciyaaraha  Boos Mire Maxamed isagoo ku dheeraaday ahmiyada uu oradkani u leeyahay dhallinta. Waxaanu yidhi “Waxaan halkan ugu mahadnaqayaa dadkii wasaarada kala shaqeeyey tartankan gaar ahaan Gacma dheere foundation, shirkadaha ganacsiga ee Somaliland sida Juba airways, Dahabshiil group, Co cola iyo Sagal jet, Edna iyo premier bank.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply