Komishanka iyo Interpeace oo ka wada Hadlay Arrimo Khuseeya Doorashooyinka

0
266

Hargeysa(Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa kulan kula yeeshay xaruntooda masuuliyiin ka socday Hay’adda Interpeace.

Kulankan oo la sheegay inuu la xidhiidho u diyaar-garowga Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka Golaha wakiillada iyo Degaanka ee loo qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan  sannadka 2019-ka  bilowgiisa.

Qoraal kooban oo Komishanka Doorashooyinku ku baahiyeen bartooda twitter ayaa lagu sheegay, “Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxay kulan loogu diyaargaroobayo Diiwaangelinta iyo Doorashooyinka 2019 la yeesheen masuuliyiin ka socday hay’adda Interpeace,” ayaa lagu sheegay qoraalka Guddida doorashooyink, waxaanay intaas ku dareen “Hay’addaas oo ka mid ah hay’addaha ay wada shaqaynta la leh K.D.Q waxaana weftigooda hoggaaminayey Jerry Mccanna.”

Inkastoo Guddidu aanay wax tafaasiil ah ka bixin kulankan, waxa lagu bayaamiyey  diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka soo socda, wallow aan wakhtigeeda la shaacin.

Qabsoomida kulankan dhexmaray Komiishanka Doorashooyinka iyo hay’adda Interpeace ayaa ku soo beegmaya xilli KDQ shaaciyeen in doorashooyinka Wakiillada iyo Degaanadu qabsoomi doonaan horaanta sannadka dambe, isla markaana caddeeyeen in waddamada daneeya doorashooyinka Somaliland diyaariyeen kharashkii ku baxayey doorashooyinka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply