Ma Qareen baa la Xidhay Mise Askari Fakad ah?

0
311

Hargeysa (Dawan)- Hogaanka Sare ee Ciidammada Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maxkamadda u gudbiyay dacwad ka dhan ah Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan, oo ka fakaday ciidankaas oo uu ka tirsanaa, haatana xubin ka ah guddida qarreenadda.

 

Ciidanka dab-demisku  waxay sidaasi ku sheegeen war qoraal ah oo ay soo saareen, waxaanay ugu baaqeen  waxa guddida qareennada Somaliland in qofka ay qaadanayaan  ay marka hore hubiyaan meesha uu ka yimi, inuu dambiile yahay  iyo xogo dheeraada oo ku saabsan shaqada uu hore u soo qaban jiray qofkaasi.

Warsaxaafadeedkaasi oo dhammaystiranina wuxuu  u qornaa  sidan “Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan waxa uu ka tirsan Ciidanka Dabdemiska Qaranka, gaar ahaan dufcada Labaad, balse in muddo ah waxa uu kaga maqnaa baxsad Ciidanka Dab-demiska, taas oo sida ay warsaxaafadeed ku soo saareen guddida qareenadu sheegeen inuu ka tirsanaa guddidaas isla markaasina aanay ahayn in la saaro maxkamadda ciidamada, sidoo kale waxay sheegeen in su’aal uu waydiiyay maamulkiisa darteed shaqada looga eryay.

Hadaba ugu horayn Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan ayaa muddo laba Sanno ah 2016-2017 ka hawlgalyay Ciidanka Dab-demiska walina aan laga ruqsayn oo ka hawlgalyay Ciidanka Dabdemiska  iyadoo muddadaasna uu qaatay laba digniinood oo uu ku mutaystay shaqo xumo iyo dayac shaqo hawl gudasho la’aan, kadib markii digniintii saddexaad uu qaadan lahaa uu ka baxsaday ciidanka isla mar ahaantiisana adeegsaday warbaahinta oo dhaliilo iyo eedaymo aan sal iyo raad toona lahayn u soo jeediyay masuuliyiinta ciidanka Dabdemiska u sarraysa iyo ciidanka dabdemiskaba, taas oo uu ku eedeeyay cadaallad darro, musuqmaasuq, qaraabo kiil iyo waxyaabo kale oo badan oo been abuur ah.

Intaa kadib ciidanka Dab-demisku isagoo sharciga maraya wuxuu dacwad ka dhanna askarigaas u gudbiyay Maxkamada sidoo kale na maxkamaddu waxay waaran qabasho ah u soo jartay askakarigaas.

Hadaba askarigaas oo baadidoon loogu jiro soo qabashadiisa isla makraasna ay ku raad joogaan laamaha amaanku ayaa horaantii sannadkan waxaa guddida ruqsad bixinta iyo anshax marinta Qareenada Somaliland ay ruqsad qareenimo siiyeen askarigaas magaciisa aynu kor ku soo xusnay oo  marka horeba baxsad ahaa laguna daba jiray soo qabashadiisa, ugu dambayna askarigaas waa la soo xidhay wuxuuna mari doona sharciga.

Arrinta ah waxaa lagu eryay su’aal uu waydiiyay maamulkiisa gaar ahaan barnaamijkii Qanci Dadkaaga, arrintaas waxba kama jiraan su’aasha uu waydiiyayna waxay ahayd su’aal caadi ah taas oo u dhignayd “Xuquuqda Ciidanka Dabdemiska marka Hawlgalka ay ku jiraan xagee loo raacayaa”?  taasi oo maamulka ciidanka dabdemiska sidii ugu habboonayd ugu jawaabeen, balse aanay la xidhiidhin shaqadiisa iyo su’aashaas uu ciidanka waydiiyay.

Ugu dambayn waxaanu Guddida Qareenada u sheegaynaa in Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan uu ka tirsanaa ciidanka Dabdemiska ahaana eedaysane baxsad kaga maqnaa ciidanka dabdemiska, balse guddida qareennadu maaha inay u doodaan askarigan iyagoon aan waribixin hore ka hayn, inta aanay qaadan qofkana waa inay hubiyaan meesha uu ka yimi, inuu dambiile ahaa iyo inaanu dambille ahayn, iyo xogo dheeraada oo ku saabsan shaqada uu hore u soo qaban jiray qofkaasi.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply