Urur Goboleedka IGAD oo Qayb ka Noqonaya Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya

0
275

Hargaysa (Dawan)-  Urur goboleed IGAD ayaa lagu wadaa in uu  qayb ka noqdo dhexdhexaadinta wadahadallada la filayo in ay dhawaan u bilaabmaan  Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka Xamar ee Soomaaliya.

Waxaana la sheegay in wadahadalladan  uu urur goboleedka IGAD kaalin muuqata  ka qaadan doono, iyadoo ay  dawladda Somaliland si weyn u soo dhawaysay tallaabadaasi kuna tilmaantay mid muhiim ah.

Sidaasina waxaa shaaca ka qaaday guddoomiyaha golaha Wakiilladda Somaliland, Md. Baashe Maxamed Faarax, oo warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulan uu shalay xafiiskiisa kula yeeshay wefti ka socday urur goboleed  IGAD oo uu hoggaaminayay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Kulankaasi uu guddoomiyaha golaha Wakiilladu la yeeshay ergayga IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador  Maxamed Guyo, waxaa ku wehelinayay Cabdulkarim Maxamed oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee IGAD iyo sidoo kale danjiraha Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa Cali Shoombe.

“Waxaa maanta (shalay) xarunta baarlamaanka   noogu yimid wefti ka socda urur goboleedka IGAD, gaar ahaana wakiilka IGAD u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu wehelinayay la taliyaha IGAD ee arrimaha siyaasadda iyo danjiraha Somaliland u fadhiya Itoobiya Cali Shoombe, oo weftiga la socday.

Waxaanu aad iyo aad ugu faraxsanahay in weftigani ay yimaadaan Somaliland, waayo? IGAD ayaynu ka mid nahay, waxaanan doonaynaa in IGAD ay arrimaheena kaalin weyn ka qaadato, maxaa yeelay iyaga (IGAD) ayaa hawlaheenna xog-ogaal u ah,”ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.

Guddoomiye Baashe, ayaa intaas ku daray in ergayga waxyaabihii ay isla soo qaadeen ay ka  mid ahayd sidii urur goboleedka IGAD uu door muuqda uga qaadan lahaa wadahadallada la filayo in ay dhawaan u bilaabmaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi “In wadahadalladii Somaliland iyo Soomaaliya la bilaabo, IGAD-na  kaalin weyn ka qaadato, waayo? Waagii hore kaalin weyn kuma lahayn. Laakiin, imika waxay diyaar u yihiin in ay qayb weyn ka qaataan wadahadalka.

Aad iyo aad ayaanan ugu faraxsanahay kaalinta ay wadahadalka imika IGAD ka qaadanayaan, waayo? Iyaga ayaa aad inoo yaqaana, oo dhaqankeena iyo dadkeenu siday yihiin og.”

 

 

 

Waxa kaloo uu  tilmaamay  in weftiga IGAD ay kala hadleen sidii ay  baarlamaanka Somaliland u caawin lahaayeen iyo sidii ay u dhacday doorashadii madaxtooyadu waxaanu yidhi; “Waxaanu ka wadahadalnay baarlamaankeena sidii ay u caawin lahaayeen IGAD, waxa kaloo aanu ka wadahadalnay doorashooyinkii wanaagsanaa ee inoo dhacay, waxaanu ka wadahadalnay arrinta degaanka Tuka-raq oo hadda cusub. Waxaanu u sheegnay weftiga IGAD in aanay ciidammada Somaliland halka ay imika joogaan aanay dhaafaynin,  dagaal danbe-na aanu dhacaynin, halkaana ay ciidammadu joogayaan inta la wadahadlayo”ayuu yidhi guddoomiyaha golaha Wakiilladu.

Sidoo kale danjire Maxamed Guyo ayaa sheegay inay  shacabka Somaliland ugu hambalyeynayaan doorashadii xorta ahayd ee ka dhacday dalka dabayaqaadii kal-hore, waxaanu xusay  inuu ku bogaadinayo madaxweynaha iyo shacabka Somaliland bisaylkooda siyaasadeed ee ay ka gaadheen dhinaca dimuqraadiyada.

Weftigan waxa Sabtidii xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi. Waxaana kulankaasi waxa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, gaar ahaan waxa si qoto dheer looga wada hadlay arrinta Tuka-rag oo uu madaxweynuhu weftiga u caddeeyey in Somaliland aanay marnaba duulimaad ku ahayn dal kale, hadday cidi joogto dhul aanay lahayna ay Soomaaliya ku jirto 70-Km oo Somaliland leedahay.

Waxa kale laga  wada-hadlay in IGAD taageerto mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, khaasatan hirgelinta qorshaha labaad ee qaranka ee shanta sanno ee soo-socda, iyada oo sidoo kale laga wada hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay dib u furmaan dhawaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply