Madaxweynaha Somaliland oo ku Dhawaaqday Qorshe Lagu Tayeynayo Waxbarashada Dugsiyada Dawladda oo 160 Kun oo Arday Lagaga Dul-qaaday Culays Dhaqaale

0
328

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshe lagu horumarinayo dhallinyarada dalka, oo xukuumaddu u samaysay sanduuq.

 

Madaxweyne Muuse Biixi waxa  uu caddeeyey inay tayayn doonaan dugsiyada dawladda Somaliland maamusho, waxaanu xusay in arday kor u dhaaftay 160 kun ay xukuumaddu ka bixinayso lacagta buugta waxbarashada oo caqabad ku ahayd dhaqaale ahaan.

 

Waxa kaloo Madaxweynuh shaaciyey in Bisha November ee sannadkan uu dalka ka bilaabmi doono  barnaamijka carbiska dhallinyarada ee  ‘shaqo qaran’ oo uu  balan-qaaday xiligii uu ku jiray ololihii doorashadii madaxtooyada ee  kal-hore qabsoontay.Waxaanu tilaamay in lacagtii u horreysay ku shubeen bog xisaabeed ay ugu talogaleen hirgelinta hindisahan. waxaanu arrimahaas kaga dhawaaqay khudbad uu ka jeediyey  xus ballaadhan oo loo sameeyey 36-guurada ka soo wareegtay dhagax-tuurkii dhallinyaradii reer Hargeysa kala hortageen dawladdii Siyaad Barre 20-kii Jeeniweri  sannadkii 1982-kii. Waxa kaloo dhawaan 20ka Feberwari loo aqoonsaday maalinta dhallinyarada Somaliland. Munaasibaddan oo lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa,waxa wadajir u soo qaban-qaabiyey wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo dallada  SONYO.

 

 

Munaasibadii xuskii dhagax-tuurka:

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xafladaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday doorkii lama illaawaanka ahaa ee dhallinyaradii ku bahowday ururkii UFO ku lahaayeen halgankii iyo xornimadii dalka iyo dadkaba, isaga oo caddeeyey inay maalintani ku suntahay dharaar la daadiyey dhiigga da’yar mustaqbal ifaya lahayd, waxaanu yidhi;  “36-sanno ka hor  maanta oo kale dhallinyarada reer Somaliland waxay u ahayd maalin madow, maalintaas oo ahayd mid xanuun badan oo ay ku jireen halgan ay dhagax kala hortegayaan Taagni iyo Beebee, dhallinyaradii Somaliland joogtay waxay u ahayd maalin dhiigoodu daatay oo ay dagaal noociisu ku cusub yahay dunida oo aan hore loo arag ay galeen oo bilaabeen, lamana arag odayaal dhuunta iyo Aabeyaal dhuunta oo carruurtooda dagaalka ku sii daaya oo Hooyadoodna daba cararayso, haddii aan sidaas la yeelin oo aan dhiggaas loo hurinna maanta farxaddan iyo jawigan kumaynaan joogneen.”

 

“Adduunyada ma jirto halgan, horumar iyo taariikh aan nafta loo hurini, dadkana Ilaahay baa u kala abuuray oo qaar baa lagu hanuuniyaa inay nafta u huraan oo ay dhibaatada u qaataan inuu dadkoodu hore u maro, marka guusha la gaadhana inta badan dheefta laga badsado, haddii aan dadka noocaas ahi jirina inta badan dunidu hore uma marten,”ayuu yidhi madaxweynuhu.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay dhallinyarada Somaliland ku dhaqani wajahayaan duruufo adag oo u baahan geesinimo iyo adkaysi dheeraad ah; “Dhallinyarada reer Somaliland maanta duruufo adag baa hor yaalla oo ay marmarka qaarkood niyad jabaan oo ay naftaba nacaan oo ay garan waayaan mustaqbalkaba meel ay u socdaan, adduunyadana inta la ogyahay mar walba way jirtaa xaalad adag oo kaa hortimaadaa, qofkana marka dhibaato ka hortimaaddo saddex tallaabo uun baa la gudboon, inaad dhuumato oo aad cararto, inaad is dhiibto iyo inaad wajahdo oo aad dhibaatadaas qaabisho, inta badanna waxa guulaysta qofka dhibaatada wajaha,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa kaloo   uu markii ugu horraysay shaaciyey tallaabooyin lagu horumarinayo dhallinyarada reer Somaliland, isla-markaana sed-buuran lagaga siinayo qorsheyaasha xukuumadiisa, kuwaas oo ay ugu horrayso akoon-xisaabeed gaar ah oo lacago loogu shubay, waxaanu yidhi, “Xukuumad ahaan waxaanu furnay Akoonkii dhallinyarada Somaliland hore loogu marinayey, waxaana aanu ku shubnay lacag dhan laba Bilyan iyo Badh Somaliland shilling ah, guddidii maamuli lahayd waanu abuuraynaa oo aanu eegi doono ama ka dhex abuuri doonno cidda kasoo qaybgasha, sidaas darteed ganacsatada  ayaan aad u dhiirrinayaa oo haddii aanay qaybtooda ka qaadanin dhallinyarada halka aynu la doonayno gaadhi mayso, aqoonyahankana waxaan leeyahay waxa aynu aas-aasayno haddii aanay aqooni hoggaamin way inaga hor imanaysaa, markaa sidii guddida loo samayn lahaa waa in laga soo wada qaybgalaa.”

 

“Akoonka labaad ee dhallinyaradu leedahayna waa waxbarashada, waxbarashada sarena toosinteeda waynu isugu tegaynaa, wasaaradda tacliinta, xukuumad iyo shacabba, waynu isla aqoonsanahay inay jaamacadaheenu soo saaraan dad aan suuqii shaqadu u diyaar ahayn, laakiin waxa ka horraysa inaynu xagga hoose kasoo bilowno. Dugsiyada bilowga ah Macquul ma aha in dugsigii qaranka ee dawladdu maamulaysay ee qaranka ka dhexeeyey ee qaranka intii u soo halgantay, inta u shaqaysa iyo inta lexejeclada ka leh carruurtoodu ku jirtaa ay ka hoos maraan Dugsi nin furtay oo lacago ajanabi ah oo Doolar ah uu ku qaado oo ay dugsiyadeenii noqdaan kuwo markaad tagto aad mooddo meel laga guuray oo kharaabado ah, mid nin leeyahayna 24-ka saacadood Idaacad waliba faaniso,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaas ku daray “Dadkeenu 80%(Boqolkiiba siddeetan) waxa ay ku jiraan dugsiyada dawladda, waana inta muwaadiniinta dhabta ah ee naftooda hurta, waa askartii, waa mujaahidiintii, waa dadka meelahaas jooga ee aan shaqaynin, waa dadka gaboobay ee dalka u soo shaqaysay ee aan hawlgabna qaadanin iyo dadkii qaxay ee magaalada ku soo noqday ee aan magaaladana hantida ku lahayn,  Boqolkiiba siddeetan dadkeena inay hadhaan, 20% (boqolkiiba labaatanna) intay waxoogaa qaataan, ama qurbaha ha ka yimaadaan ama dawladda ha u shaqeeyaane ay carruurtoodu Doolar wax ku barato oo ay xataa Af soomaaliga garan waayaan, taasi socon mayso.”

 

Waxa uu madaxweynuhu sidoo kale shaaca ka qaaday inay dhammaanba ardayda  dugsiyada dawladda dhigataa lacag la’aan ku heli doonaan buugaagta waxbarashada, isla markaana uu madaxweyne ahaan Akoonka wasaaradda waxbarashada ku shubay lacagtii buugaagtaas ku bixi lahayd, “Waxaanu isla garanay in Ardayda ku jirta dugsiyada Dawladda fasalka koowaad ilaa inta uu ka baxayo Arday waliba uu helo buugaagta oo bilaash ah, inta ku jirta dugsiyada dawladda ee buugaagta u baahani waa in ka badan boqol iyo lixdan kun oo arday, lacagta buugaagtaas sannadkan ku baxaysaana waa Milyan iyo Sideed Boqol iyo dhawr iyo konton, intaana dawladdu way bixisay oo waanu ku shubnay wasaaradda Tacliinta,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Madaxweynuhu  waxa uu caddeeyay xiliga uu dalka ka bilaabmi doono qorshe shaqo qaran lagu gelinayo ardayda ka baxda dugsiyada sare iyo jaamacadaha, waxaanu yidhi; “Haddii aanu KULMIYE nahay waxaanu in badan ku ballan qaadnay in dhallinyarada jaamacadaha iyo dugsiyada sare ka baxaa galaan shaqo qaran oo aanu uga jeedno qofka in loo bisleeyo waddaninimada iyo masuuliyadda, shaqada qaranka waxaanu ka rabnaa in aanu dadka isku keeno oo ay wada shaqo galaan oo ay marka hore Somaliland bartaan oo ay ogaadaan waxa jira oo ay maskaxdoodu korto si uu berri shaqo u qabto isaga oo ugu yaraan Somaliland oo dhan wada yaqaanna, sanduuqaasna waanu furnay oo milyankii ugu horreeyey baanu ku shubnay, waana in bil walba lagu  sida karaanku yahay, sanadkanna waa inuu dhigaal u dhigmaa, haddii cid kale wax nagu taraysona waa loo baahan yahay, waana  in bisha Desember (December) ama noofember (November) ay bilaabmi kartaa hawsha ugu horraysa ee shaqada qaranku.”

 

madaxweynuhu isaga oo shacabka tusaya sida uu xilka iskaga saaray horumarinta dhallinyarada dalka, waxa uu ka hadlay muhiimadda ay leeyihiin ciyaaraha iyo is-dhexgalka bulshadu, waxa  uu sheegay  inuu wasaaradda ciyaaraha  u oggaaladay lacag ku dhaw Afar Boqol oo Kun oo Dollar oo lagu dayac-tirayo garoomo ku yaalla meelo kala duwan oo dalka ah, isla-markaana lagu gogli doono roogagga casriga ah.

 

“Wasiirrada maanta ayaan u saxeexay mushaharkoodii ugu horreeyey, gunno iyo faakihaysina daa, wasiirka waa in ay hudheelladu lacag badan ku soo dallacdaan oo uu kadeedmaa, si ay dadkiisu u arkaan inuu dalkiisa u shaqaynayo oo aan loogu qaadan in wasiirrada iyo madaxweynenimadu tahay meel laga tanaado inta kalena ku bakhtido, maya taas yeeli mayno, waxaynu u baahanahay in la xisaabtamo,”ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

 

 

 

 

 

 Kulankii Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta DP World:

Sidoo kalena madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay galab xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday shirkadda DP World oo uu hoggaaminayey maamulaha guud ee dekedaha ay xukunto DP World, Mr. Sultan Ahmad Sultan Bin Sulayem oo shalay  booqasho ku yimid Somaliland.

 

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha iyo ballaadhinta dekeda berbera, suuqa xorta ah (free zone), waxa kale oo laga wada hadlay sidii dhallinyarada reer Somaliland loogu furi lahaa suuqa ganacsiga ee imaaraadka si ay ugu shaqo tagaan halkaas.

Waxa kale la isla  qaaday xaaladda abaaraha gobollada dalka ka jirta sidii ay gacan uga geysan lahayd DP World iyo arrimo badan oo ay ugu horayso in dhakhso loo hirgeliyo dhammaan mashaariicda horumarineed ee ay Somaliland iyo DP World ku heshiiyeen, waxaanu madaxweynuhu farriin baaqa u diray imaaraadka carabtu inay dhinacooda gacan ka geystaan xaaladda abaarta ee ku soo noq-noqotay Somaliland.

 

Gebegebadii kulankana waxa labada dhinac ay is gudoonsiiyeen hadyado kala duwan oo ay ka mid yihiin agabka hidaha iyo dhaqanka u ah Somaliland, halka DP World-na ay madaxweynaha gudoonsiisey hadyad ay ka mid tahay doonta astaanta u ah shirkadooda DP World, sidoo kale waxa ay madaxweynaha u sharraxeen qaabka ballaadhanta dekeda Berbera oo ay khariirad ahaan ku muujiyeen.

 

Waxaana Madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey wasiirrada wasaaraddaha, Arrimaha Dibedda, horumarinta Maaliyadda, horumarinta Maalgashiga, horumarinta qorshaynta qaranka, maareeyaha dekedda Berbera iyo safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka carabta. Markii kulanka laga soo baxayna waxa faah-faahin ka bixiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo Maamulaha Shirkada DP World, Sultan Axmed Bin Sulayem.

 

 

 

Madaxweynaha oo kalsooni siiyey Bahda Garsoorka:

 

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan muhiima la yeeshay   hoggaanka maxkamadda sare iyo xubno kamid ah bahda garsoorka Somaliland.

 

Kulankan madaxweynuhu la qaatay  maxkamadda sare iyo bahda garsoorka ayaa ah kii u horeeyey ee ay madaxweynaha ugu yimaadaan intii uu xilka la wareegay madaxweynuhu, waxaana laga wada hadlay oo mudnaanta koowaad la saaray sida ay u socoto hawsha maxkmadda sare iyo bahda garsoorka Somaliland.

Waxa kale oo kulankaas lagu naaqishay mudnaanta ay leedahay maxkamadda sare iyo doorka ay ka qaadato hawlaha qaranka ee ay hayso, waxaanay madaxweynaha u soo jeediyeen xeerar dhawr ah oo baahi gaar ah u qabtaan inuu wax kala qabto, kuwaas oo kala ah:

–          Xeerka xuquuqda garsoorka

–          Xeerka Nidaamka garsoorka

–          Xeerka Maxkamadda sare

Waxa kale oo lagu soo qaaday kulanka arrinta fulinta xukunnada ay fuliso maxkamaddu sidii loo dhaqan gelin lahaa, waxa sidoo kale laga wada hadlay sidii loo kordhin lahaa Bajadka, mushahaarooyinka maxkamadda sare, gaar ahaan iyo bahda garsoorka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Biixi waxa uu soo dhaweeyey kuna ammaanay, kuna hambalyeeyey shaqada maxkamadda sare iyo bahda garsoorku u hayaan qaranka iyo shacbigiisa, waxaanu ku sii adkeeyey inay halkaa ka sii wadaan hawlaha qaran ee ay hayaan, waxaanu u sheegay inuu ku qanacsan yahay sida ay u gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

 

Ugu dambayntii madaxweynuhu waxa uu u muujiyey taageero buuxda bahda garsoorka, isagoo u ballan qaaday inuu gacan weyn ka geysan doono guud ahaan arrimaha garsoorka iyo caddaaladda isla markaana ay  xukuumadiisa ka go’an tahay tayeynta iyo kor u qaadida nidaamka garsoorka iyo caddaaladda, Isagoo mar kale ku dhiirrigeliyey inay doorka muuqda ee ay hayaan sii xoojiyaan, siina libin laabaan oo halkaa ka sii wadaan hawlaha qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply