Somaliland iyo Masar oo ka Wada Hadlay Xoojinta Cilaaqaadka Labada Dal

0
312

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Masar oo uu hoggaaaminayoo safiirka dalkaasi  u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya, Amb. Waliid Ismaaciil.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka uga warramay xaaladda guud ee dalku halka ay marayso iyo horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada arrimaha bulshada ee la xidhiidha waxbarashada, caafimaadka,  ganacsiga iyo nidaamka dimuquraaddiga ah ee doorashooyinka dalka ka qabsoomay oo dhammaan laga gaadhay guul iyo sumcad ballaadhan oo indhaha beesha caalamka bartay Somaliland waxay tahay, qiimaha ay ugu fadhido guud ahaan Afrika, isla markaana ay Somaliland tusaale ugu noqotay dalal badan oo qaaradda Afrika ku yaalla.

Kulankan, ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh dhaqaale oo dhex mara labada dal, tabobarro dhinaca shaqaalaha ah oo ay Masar siin doonto Somaliland,  iyo sidii ay Masar deeqo waxbarasho u siin lahayd dhallinyarada Somaliland, iyada oo sidoo kale la is hogo-tusaaleeyey qaabka ay siyaasadda mandaqaddu tahay iyo arrimo kale oo door ah oo dhammaantood ku taxalluqa xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya.

Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire ayaa markii uu soo dhamaaday kulankaasi faahfaahin ka siiyay warbaahinta arrimihii lagaga wada hadlay, waxaanu yidhi “Maamta waxa soo siyaartay madaxweynaha Somaliland Safiirka Masar u fadhiya Kenya Amb. Waliid Ismaaciil iyo ku-xigeenkiisu Mr. Axmed Shadiid. Waxay ka wada hadleen arrimo badan oo labada dal ba dan u ah oo ay ka mid yihiin xidhiidh dhaqaale, tababaro, waxbarasho, siyaasad iyo sida uu yahay wacyiga mandaqada, si fiicanna waa la isula afgartay.”

Dr. Sacad waxa uu intaasi ku daray “Maaha markii ugu horraysay ee uu inoo yimi, fadhigiisuna waa Nayroobi, sida aad la socotaan saddex jeer ayaynu tagnay dalka Masar, anigu waxaan tagay sannadkii 2016-kii bishii August, halkaasi oo si heer sare ah la iigu soo dhaweeyay oo aan la kulmay wasiirro iyo xildhibaano oo ilaa wasiirkooda arrimaha dibadu igu qaabilay xafiiskiisa, markaa waa xidhiidh soo jireen ah kulankanina waxa uu mid la xidhiidha kulamadii hore oo saldhigiisu yahay sidii wax loo wada qabsan lahaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply