Wasiirka Beeraha Oo Qalab Ku Wareejiyay Beeralayda Gabiley

0
264

Gabiley (Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed, ayaa maanta  30 Qof oo Beeralay ah guddoonsiiyey qalab iskugu jira Kaariyooneyaal, Siidh, Tuubooyin, Yaambooyin iyo qalab kale.

Kuwaasoo  Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley Dadkaa ugu talo-gashay isla-markaana qayb ka ah Mashruuca JPLG.

Munaasibadda Qalabkan lagu wareejiyey ayaa waxa ka qayb-galay Badhasaabka Gobolka Gabiley Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), Maayarka Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi, Beerlayda Qalabka lagu wareejiyey iyo Isku-duwaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Gabiley.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed,  oo halkaa ka jeediyey hadal sheegay in qalabkan loogu talo-galay in lagu dhiiri-geliyo Beeralayda si ay wax soo-saarka u kordhiyaan.

Waxaanu yidhi  “Hawshani waxay ka mid tahay hawlaha horumarinta Beeraha, Maaddaama oo aynu rabno in Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan aynu ku dhiirigelino inay la soo baxaan waxay cuni lahaayeen, maaddaama oo aynu hore u dayacnay inaynu kor u soo qaadno Beeralayda, ha noqoto Beer-biyoodda ama Beer-roobaadka, laakiin imika Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay dhiiri-gelisay in awood badan la saaro.”

Wasiir Muumin waxa kale oo uu sheegay “Annaga Wasaarad ahaan waxa na dhiiri-geliyey Madaxweynaha oo Go’aad adag ku qaatay in Shacabka Somaliland ay Dalkooda kala soo baxaan waxay cuni lahaayeen, Qalabkana dhiiri-gelintaa ayuu ka mid yahay.

Qalabkaa la idin siiyey waa inaad ilaashataan, bishan bisheedana waa in la arkaa Qalabkaa waxaad ku qabateen, waayo? Wasaaradda Beeruhu waxay kor u qaadaysaa wax soo-saarka Dalka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply