Abwaan Ismaaciil Basbaas oo ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa

0
475

Hargeysa (Dawan)- Alle ha u naxariistee waxa galabta ku geeriyooday magaaladda Hargeysa hal-abuurkii iyo jilaagii caanka ahaa ee Marxuum- Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas) oo dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay xannuunsanayey.

Sida ay ku warantay  wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, Marxuum Ismaaciil Basbaas wuxuu ku dhashay agagaarka magaalada Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh sannadkii 1942kii. Abwaan Ismaaciil Cabdi Ibraahim (Basbaas), waxa uu ku biiray fanka sannadkii 1957kii siduu marxuumku ku sheegay waraysi uu xili sii horraysay siiyay Warbaahinta qaranka. ALLE ha u naxariistee Marxuum- Ismaaciil Basbaas wuxuu fanka ka soo bilaabmay kooxdii la odhan jiray walaalahii Hargeysa.

Abwaan Waxaanu ka mid ahaa rukumadii kaalinta shariifka ah ka soo qaatay fanka casriga ah ee Soomaalida, waxaanu wax ka matalay inta badan riwaayadihii caanka ahaa.

Marxuum- Ismaaciil Cabdi Ibraahim Basbaas wuxuu ifka kaga tagey laba hablood iyo wiil,

Waxa ay dad badan ku xusuustaan wakhtiyada dambe riwaayada Beenay Waa Run oo uu ku matalayo odeyga qaba Abwaan Maxamed Cumar Huryo oo isna islaanta ku matalayey iyo riwaayada Awbustaale oo ku matalayey Sheekha burhaanta leh .

Waxa uu sameeyey heeso badan, waxa ka mida heesta hordhaca u ahaan jirtay idaacadaha Soomaaliya , hadana la maqlo ka hor wararka idaacada Radio Muqdisho iyo Telefiishanka SNTV.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply