DP World oo Berbera ka Bilaabaysa Dhismaha Goob Cashuuraha ka Caagan (Free Zone)

0
290

Dubai (Dawan)- Shirkada DP World ayaa shalay la saxeexatay xukuumada Dubai heshiiskii u dambeeyey oo lagu dhisayo goob cashuuraha ka-caagan (free Zone), qeybna ka ah horumarinta dekeda Berbera.

Sida lagu baahiyey wargeyska Khaliij Times shalay, DP World ayaa la filayaa inay dhisme ka bilowdo dhul qiyaastiisa lagu sheegay 12 KM (laba jibaaran), halkaasi oo laga hirgelinayo goob Free Zone ah sannadkan, si ay kaalin uga qaadato casriyeynta dekeda Berbera una keento inay noqoto xudunta ganacsiga gobolka, shaqo-abuurna looga helo.

Gudoomiyaha shirkada DP World Md. Sultan Ahmed bin Sulayem, oo arrintaasi ka hadlay ayaa sheegay inay qorshaynayaan sidii ay Berbera u noqon lahayd xudunta marin-biyoodka Geeska Afrika, waxaanu yidhi, “Qorshayagu waa sidii Berbera u noqon lahayd xudunta marin-biyoodka Geeska Afrika, casriyeynteeduna waxay dhiirigelinaysa koboca dhaqaalaha gobolka. Waxay sidoo kale dhiirinaysaa dhaqaalaha gudaha, oo shaqo-abuur ka helayaan bulshada Somaliland iyo jiilasha dambe.

Waxaan doonaynaa inaan u soo rarno khibradayada caalamka halkan, kana qeybqaadano sidii Berbera loo horumarin lahaa, taasoo fure u ah dhaqdhaqaaq ganacsiga gobolka.”

Wasiirka Arrimaha Dibeda & Iskaashiga Dr. Sacad Cali Shire oo ka hadlay ayaa sheegay, “Horumarinta goobta cashuuraha-ka-caagan (free Zone) waxay kaabaysaa horumarka dekeda Berbera, isla markaana fududeynaysa inay noqoto albaabkii ganacsiga gobolka iyo guud ahaan qaarada Afrika.”

Qorshaha dhismaha Free Zone-ka ayaa la sheegay inuu u ekaanayo sida ka shirkada DP World ka samaysay dekeda Jebel Ali Free Zone (Jafza) ee Dubai.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply