Wasiirka Beeraha oo Go’aan ka soo Saaray Siidhka Dalagyadda Dibadda Laga Soo Waarido

0
291

Hargaysa (Dawan): Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Muumin Seed, ayaa Shirkaddaha iyo hay’addaha ka shaqeeya soo dejinta iyo qaybinta Shinida beeraha ku amray inay maraan nidaam wasaaraddu ugu tallo gashay ilaalinta tayada shinida Beeraha.

War-saxaafadeed uu soo saaray wasiirku ayuu shirkaddaha iyo hay’addaha ka shaqeeya Shinida beeraha ku amray in ay u hogaansamaan nidaamka wasaaradda beeraha, waxaanu ku faahfaahiyey nidaamka ay wasaaraddu ugu talo gashay ilaalinta tayada Shinida beeraha.

Warsaxaafadeedkan ayaa u dhignaa sidan:

Ku: Dhammaan Hay’addaha Wadashaqaynta la leh wasaaradda horumarinta Beeraha

Ujeedo: Soo Dejinta Shinida Beeraha

Wasaaradda horumarinta beeruhu, iyada oo kaashanaysa dadyawga ka ganacsada ee ku hawlan soo dejinta agabka beeraha iy ohay’addaha qaramada midoobay, kuwa aan dawliga ahayn ee caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee ku hawlan kor u qaadista maceeshada iyo yaraynta macaluusha inay nagala shaqeeyaan arrimahan hoos ku xusan sida:

Hay’ad kasta oo ku hawlan soo dejinta shinida beeraha iyo agabka beeraha waxaanu kula talinaynaa:-

1) Dhammaan shinada la soo iibinayaa inay noqdaan kuwa ka yimaada meelo la hubo sida, dalalka Geeska Afrika, anaga oo door bidayna kuwa ka soo baxa tijaabooyinka Itoobiya iyo Kenya ama dalalka aanu isku cimilada nahay.

2) Shinidu waa inay ahaato kuwa loo sii daayey beeralayda yar yar ee dalalkaasi kor ku xusan, isla markaana waa inay tahay shini wadata cadaymaheeda (Certified Seeds).

3) Waxa kale oo aanu soo jeedin lahayn in la isticmaalo shinada xulka ah ee waddaniga ah ee laga heli karo wadanka iyo ururada waddaniga ah sida Wasaaradda Horumarinta Beeraha, HAVOYOCO iyo FAO (Mashruuca SOMASEED-ka) wixii laga hayo.

4) Shinada la soo dejinayo waa in la soo mariyo xarunta wasaaradda horumarinta beeraha si loo hubiyo tayadeeda.

5) In shinada waddaniga ah ee beeralaydu haysato kaydsadaan si ay dib ugu isticmaalaan xiliyada loo baahdo

6) Waa in laga helo Ogolaansho Wasaaradda mar kasta oo la rabo in abuur dalka la keeno waana in la soo tusaa inyar oo tijaabo ah

7) Wareegtadani Waxa ay dhaqangal tahay ilaa inta la sameynayo siyaasadda shinida beeraha ee wasaaradda horumarinta beeraha.

Mudane: Axmed Muumin Seed

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply