Xildhibaan Nacnac oo Difaacay Heshiiska Somaliland, PD World iyo Itoobiya

0
303

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) ayaa soo dhaweeyay heshiiskii saddex geesoodka ahaa oo kowdii bishan ay kala saxeexdeen dawladaha Somaliland Itoobiya iyo shirkada Dp World.

Xildhibaan Nacnac, oo shalay wakaalada wararka ee Solna u waramayay ayaa usoo jeediyay dawlada taagta daran ee shisheeyuhu taageeraan in ay waantoobaan sheegashada ay sheeganayaan Somaliland.

Waxaanu hoosta ka xariiqay in aanay ahayn wax u yaala dawlada Somaaliya heshiiska maalgalinta shirkada Dp World ku samaynayso dekeda Berbera.

Axmed Maxamed Diiriye, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Heshiiskaa xukuumadda Somaliland la gashay shirkadda Dp World waa taageersanahay waana heshiis Somaliland u baahnad oo dakadeena ayaa laga ganacsanayaa waana aynu u baahanahay cidii inoo samaynaysa dekedo kale.

Inaga Somaliland ayaa la ina yidhaahdaa oo calan leh waxaana xornimadayadii luntay 1960-kii la soo noqonay 1991-kii 18-kii bishii May.

Markaa waxaan leeyahay raysal wasaraha Soomaaliya kuma khusayso heshiiska Somaliland la gashay shirkadda Dp World ee Mqdisho ka tali hadaad ka talin kartid,wax iskugu haadhay majiro Soomaaliya baarlamaanka Somaliland wuu ansixiyay heshiiskaas”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply