Ciidamadda Booliska oo Gacanta ku Dhigay 241 Qof oo Tahriibayaal ah

0
284

Hargeysa (Dawan)- Afhayeenka ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, gaashaanle dhexe Faysal Xiis Cilmi, ayaa sheegay in hawl-galo ay sameeyeen ciidamada boolisku lagu soo qab-qabtay 241 qof oo tahriibayaal ah, kuwaasi oo u dhashay qoomiyadda Itoobiya, kuwaasi oo isugu jiray rag iyo dumar ba, islamarkaana lagu celiyay wadankoodi hooyo.

Dhanka kale Afhayeenka ciidanka booliska gaashaanle dhexe Faysal Xiis waxa uu xusay in magafayaashi iyo gaadiidkii dadkaasi lagu siday ba ay gacanta ku hayaan, kuwo maqanna ay ku daba jiraan, dhamaantoodna ay shirciga hor gayn doonaan.

“Ciidamada boolisku hawl-galo ay ka fuliyeen deegaanka Sheekh Waafi, waxa ay ku soo qabteen dad tahriibayaala oo dhan 241 qof, oo isugu jiray rag iyo dumar b,a dadkaas badankoodu waxa ay u dhasheen dalka Itoobiya, goobtaasi waxa ay noqotay meel carqalad ah, oo dadka tahriibayaasha ah lagu ururiyo, hase ahaate ciidamadu waxa ay gacanta ku soo dhigeen iyaga oo meeshaasi jooga,” ayuu yidhi Afhayeenka Ciidamada Booliska Somaliland.

Gaashaanle dhexe Faysal Xiis, waxa uu sheegay inay gacanta ku hayaan nimankii ma-gafayaasha ahaa iyo gaadiidkii dadkan waday intaba, waxaanu yidhi “Dhammaan tahriibayaashii halkaasi lagu soo qabtay waxa dib loogu celiyay wadankoodi oo ahaa dalka Itoobiya, ma-gafayaashi iyo gaadiidkoodi ciidanka boolisku gacanta ayay ku hayaan, kuwa maqana waa la raadinayaa, boolisku waxa ay codsadeen in nimanka ma-gafayaasha ahi ay yihiin niman caadeystay oo shaqo ka dhigtay inay dadka tahriibiyaan, hase ahaate gacan adag ayaa lagu qabtay waxaana loo gudbin doona hadii Illaahey yidhaaho dacwadooda oo dhan iyo xeer ilaalinta awooda u leh, anaga oo aan ka hor dhaceyn, bulshada reer Sheekh Waafina, waxaanu ka codsaneynaa in ay ciidamada booliska si fiican ula shaqeeyaan kana fogaadan waxyaabaha tahriibta ah oo ah wax aad iyo aad u fool xun”

Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Somaliland, Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle ayaa isaguna goobtaasi ka hadlay, waxaanu sheegay in ciidamada boolisku ay ku jiraan hawl-gallo aan kala go’ lahayn, waxaanu yidhi “Ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland muddo badan imika waxa uu ku jiray hawl-gal aan kala go’ laheyn oo lagula dagaalamayo mukhaadaraadka iyo tahriibta, haddaba qorshe adag oo loo sameeyay in lagaga hor tago meelo badan oo noqday god waraabe, sida Sheekh Waafi, waxaanay ciidanka boolisku ku guuleysteen in dhammaan dadkii goobtaasi ku sugnaa, haday yihiin tahriibayaal iyo magafayaal in dhammaantood gacanta lagu soo dhigo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply