Madaxweynaha Somaliland oo Sheegay in ay ka Go’antay Hirgelinta Doorashooyin Wakhtigooda ku Qabsooma

0
295

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay ka go’antahay hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah oo wakhigooda ku qabsooma, isla markaana ay xukuumaddiisu diyaar la tahay wixii kharash ku baxaya.

Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ku boggaadiyey hawsha ay u hayaan qaranka iyo dedaalada ay ugu jiraan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda.

Sidaana waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac, warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystiranina waxa uu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulankan madaxweynuhu la yeeshay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid xogwaran ah oo ay guddidu madaxweynaha warbixin ka siiyeen safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalka dibediisa kulamo kula soo yeesheen dalalka Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland.

Waxaanay madaxweynaha uga warameen ballan qaadyadii ay kala soo noqdeen safarkooda, iyagoo sheegay inay waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay u sheegeen in dhinacooda ay diyaar ula yihiin wixii ku waajiba ee looga baahdo doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka 2019ka.

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ku boggaadiyey hawsha qaran ee ay u hayaan qaranka iyo dedaalada ay ugu jiraan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda, waxaanu u balan qaaday in ay ka go’an tahay xukuumadda wixii kharash ku baxaya, sidii uu horeba madaxweynuhu u balan qaaday, ka guddi ahaana ay ku dedaalan in aanay wakhtigeeda dib uga dhicin doorashooyinku.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply