Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo ku Hawlan sidii ay Bulshada u Bari Lahayd Dastuurka

0
297

Hargeysa (Dawan):- Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha Qaranka iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qabatay kulan lagu darsayo qorsheyaasha mustaqbalka dhaw ee afarta sanno ee soo socda.

Munaasibad ballaadhan oo kulmisay oo si weyn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Axmed Yuusuf Yaasiin, guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, xildhibaano iyo madaxda ururada aan dawliga ahayn iyo marti sharaf kale, ayaa lagu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan oo lagu darsayay qorsheyaasha higsiga mustaqbalka dhaw ee wasaaradda oo lagu qorsheeyay afarta sano ee soo socda ayaa ujeedada ugu weyn ee looga gol lahaa kulankaasi waxaa uu ahaa in wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland shaqada ay qaranka u hayso ay bayaamiso isla markaana ay higsigeeda waxqabad ee ay ku tallaabsanayso yoolkooda u caddayso lagana wada tashado, taas oo ay ugu wayn tahay in dastuurka dalka iyo xeerarka qaranku leeyahay in dadka reer Somaliland ay bartaan oo ay aqoon durugsan u yeeshaan dadku dastuurkooda iyo guud ahaan shuruucda dalka.

Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ujeedada kulankani ay tahay diyaarinta qorshaha shanta sanno ee soo socda ee wasaaradda, waxaanu yidhi “mudane Madaxweyne ku-xigeen kulankani wuxuu daarran yahay wada tashiga qorshaha afarta sanno ee soo socda ee wasaaradda, taas oo ah qorshaha horunmarinta qaranka iyadoo ay wasaaradu tahay mid ku cusub qorshihii hore ee qaranka u degsanaa waxaanu doonaynaa in ay qaranka la jaan qaado oo aanu qorshe cad ka yeelano horumarinta wasaaradda ee ah hawlaha ay qaranka ugu igman tahay.”

Madaxweyne ku-xigeenadii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa si wayn u soo dhaweeyay in arrimaha dastuurka wasaarad loo sameeyo oo ay ka dhinnayd shaqada Xukuumadda, waxaanay si weyn u soo dhaweeyeen qorshe hawleedka wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaa dastuurku uu ku bilaabay hawl qabadka wasaaraddiisa.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo kulanka soo afmeeray ayaa aad ugu dheeraaday in loo baahan yahay marka kulan hawleedyada noocan ah la isugu yimaado in loo baahan yahay in si qoto dheer loo hawl galo oo loo shaqeeyo oo maskaxda la tuujiyo isla markaana wakhtiga laga faa’iideeyo si wax wanaagsani ay u soo baxaan oo shaqada la qabtay ay wax ka tarto baahida kulankanka in la qabto sababtay, waxaanu yidhi “marka kulamada noocan oo kale ah la isugu yimaado ee qarsh iyo wakhtiba la geliyo waxa loo baahan yahay in qorshe wax ku ool ah laga soo saaro oo maskaxda la tuujiyo iyadoo laga duulayo baahida keentay in kulankan la qabto si loodaboolo baahida sababtay kulamada noocan oo kale ah waana kuwa lagu kobcin karo hawlaha shaqo iyo qorshayaasha aynu higsnayno.”

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Xidhiidka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka oo wargayska Dawan wax ka waydiiyay ujeeda kulankan loo qabtay ayaa ku jawaabay.”sidaad la waa ogyahay dalku wuxuu leeyahay dastuur iyo xeerar qaran oo ay waajib tahay in qofkasta oo reer Somaliland ahi in uu barto shuruucda dalkiisa waxaana noo qorshaysan in dadka reer Somaliland in ay shuruucda dalkooda bartaan sababtoo ah dadku maba yaqaanaan qawaaniintooda qaran taasoo sababta in waxyaabo badan oo aanay dadku garanayn in ay iskaga dhacaan markaa waxaa naga go’an in dadku shuruucdooda qaranku leeyahay in ay bartaan oo illaa heer tuulo aanu gaadhsiino.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply