Xukuumadda oo ka Hadashay Xilliga la Bilaabayo Ballaadhinta Dekeda Berbera iyo Saamiga Itoobiya

0
329

Hargeysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay xilliga la bilaabayo ballaadhinta iyo casriyaynta dekeda Berbera iyo heshiiska sadex geesoodka ah ee DP-WORLD, Somaliland, Itoobiya iyo qaabka ay dawladda Itoobiya saamiga uga heshay heshiiskan.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in heshiisku markii hore uu ahaa laba geesood, kala ahaa Somaliland iyo DP-WORLD, isla markaana sharcigu u fasaxayo dhinac kastaaba in uu sheerkiisa ka iibin karo ciddii uu u arko dan.

Wasiir Sacad oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi :Heshiisku markii hore laba geesood ayuu ahaa oo kala ah Somaliland iyo DP-WORLD siduu sharcigeena iyo heshiiskaa hore ee aanu wada galnayba uu dhigayo dhan waliba saamigiisa wuu iibin karaa sheerer ciddii uu u arko in ay maalgashanaysana wuu ka iibin karaa, haddii uu dhanka kale la ogolaado in Itoobiya ka soo qayb gashaana waa arrin aad iyo aad u muhiim ah waayo dekedan lacag badan baa la gelinayaa oo waa la ballaadhinayaa, cidda loo balaadhinayaana maaha suuqa Somaliland oo kooban oo innaga (Somaliland) teena ayaa innagu filan, cidda loo balaadhinayaa waa suuqa Itoobiya, markaa ahmiyad weyn ayay isticmaalka dekeda Berbera Itoobiya inoo leedahay oo waa dal weyn oo dadkiisu ganacsi horumaray leeyahay, in aynu ganacsiga Itoobiya u noqonona faa’iido weyn ayaa ugu jirta Somaliland.”

Wasiirka oo la waydiiyay xilliga uu bilaabmayo dhismaha iyo ballaadhinta dekeda Berbera, ayaa ku jawaabay :waxaan rejaynayaa in uu sanadkan gudihiisa bilaabmi doono.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply