Shacbiga Somaliland oo ku Diirsadey Farriintii Madaxweynuhu u Diray Dawladda Muqdisho

0
266

Hargeysa (Dawan- Shacbiga ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa si weyn ugu diirsadey jawaabtii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, siiyay siyaasiyiinta Dowladda taagdaran ee Muqdisho ee dhawaanahan ku howlanaa faro-gelinta iyo ka hadalka heshiiskii dhawaan ay qalinka ku duugeen Imaaraadka Carabta, Somaliland iyo Dowladda Ethiopia, ee ahaa horumarinta maalgashiga Meersada Berbera.

Madaxweyne Muuse oo khudbad ka jeediyay xuska maalina 8-da March ee Haweenka ayaa si weyn u taabsiiyay xaqiiqada siyaasiyiinta iyo hogaamiyayaasha Muqdisho.

Madaxweynuhu waxa uu dib u xasuusiyay siyaasiyiinta Muqdisho inay dib u eegan xasuuqi bahalnimadda ahaa ee ay shacbiga Somaliland u geysteen Rajiimkii Siyaad Barre oo ehel dhow ahaayeen Farmaajaha Muqdisho, taasi oo aan marnaba ka duugoobin maskaxda qof kasta oo reer Somaliland ah. shacbiga ayaa ka dareen celiyay daqiiqado ka dib khudbadii uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland ee uu ku gadoodiyay in aanay mar danbe Somaliland aqbaleyn dhafoor taabasho danbe.

Goobaha barkulanka ee magaalooyinka Somaliland iyo baraha Bulshada ayay dadku si weyn ugu falanqaynayeen sida ay ugu diirsadeen hadalka Madaxweynahooda, kuwaasi oo ku muujinaayay badheedhaha madaxweynaha iyo sida hal-adayga ah ee uu muujiyay qarannimada Somaliland.

Maxamed Idiris Xuseen waa dhawr iyo afartan jir ku nool Degmadda Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, isaga oo ka hadlaya dareenkiisa jawaabta madaxweynuhu ka bixiyay maamulka dawladda Muqdisho, waxa uu yidhi “Madaxweynuhu wuxuu siiyay jawaab cad, waxaana dhab inay Soomaaliya iclaamisay dagaal, (declared of war) sida uu madaxweynuhu yidhi, taariikhda iyo xorriyadda dowladnimadeena wuu u bandhigay, taas ayaa xaqiiq ah, waana lama huraan in caalamka iyo qolada koonfureed ba wixii halkan ka dhacay iyo halgankii loo soo marey la xasuusiyo, aad baanu ugu farxay jawaabtaasi’ ayuu yidhi.

Nadra Xuseen Muue oo iyaduna ku nool Degmadda Axmed Dhagax ee caasimadda Hargaysa ayaa dareenkeeda cabirtay, isla markaana ka hadashay jawaabta Madaxweynuhu u diray siyaasiyiinta Muqdisho, waxaanay tidhi “Waan ku faraxsanahay sida uu madaxweynuhu sheegay, oo ah in aanay Somaliland cidnaba marti uga noqoneyn dhulkeena, hawadeena iyo baddeena, taasaanu taageeraynaa, kuna garab taaganahay madaxweynaha.”

Si kastaba ha ahaatee, rayi caamka bulshada Somaliland ayaa ka sinnaa, taageeridda ahmiyadda u hayaan hadalkii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo si waadix ah meesha uga saaray sheegashada beenta ah ee dawladda taagta daran ee Soomaaliya ay ku sheeganayso lahaanshaha dhulka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply