Wasiirka Shaqo-gelinta oo ku Baaqday in la Garab Istaago Haweenka Dalka

0
301

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani) ayaa ugu baaqday masuuliyiinta golayaasha qaranka, in la garab istaago haweenka, waxaanay sheegtay inay dhameystireen shuruudihii siyaasadeed ee ay ku gali lahaayeen doorashooyinka qaranka.

Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Xirsi (Gaani), waxa ay xustay inay haweenku kaalin weyn ka qaateen halgankii wadanka lagu xoreeyay iyo horumarka dhaqan dhaqaale ee dalka ka hirgalay, sidaa darteedna ay xaq u leeyihiin in ay ka qayb qaataan siyaasadda dalka.

Marwo Hinda Xirsi waxa ay sidan ka sheegtay xuska maalinta haweenka Adduunka ee 8-da bisha March oo si weyn looga xusay caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyada oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Waxaa farxad ii ah in Madaxweynaha Somaliland, isaga oo taageeraya amase is garab taagaya haweenka guud ee iyo kuwa gaar ahaaneed ee Somaliland uu nagala soo qayb galo munaasibadda 8-da March, haweenka reer Somaliland waxaan leeyahay hanbalyo waxaan qirayaa inay yihiin tiir dhaxaadka nolosha reer Somaliland, kuwaasi oo ka qayb qaatay halgankii kala duwana ee loo soo maray gooni isu taaga qaranimada Somaliliand.”

“Waxaan aad iyo aad u bogaadinayaa inay yihiin kuwo aan daalin, wali may gaadhin halkay doonayeen haweenka reer Somaliland, taasi oo ah inay yeeshaan saami go’an, oo ay ku leeyihiin golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiillada, iyo sidoo kale golaha deegaanka, waxaan uga mahad celinayaa madaxweynaha fariimaha aadka iyo aadka u qiimaha badan ee digreetada madaxweynuhu soo saaray ee is garab taagaya haweenka reer Somaliland, hadday tahay xuquuqda oo loo ilaaliyo iyo xilalka kala duwan ee uu magacaabay. mudane maxadweyne waxaa diyaara xeerka kootada Insha Allah oo aanu kuu keeni doono, waxaanu codsaneynaa maadaama doorashadu qabsoomayso 2019-ka inaanu ka qayb galo doorashadaasi, waxaanu golayaasha qaranka ugu baaqaynaa in la garab istaago haweenka Somaliland iyaga oo haweenku dhameystiray shuruudihii siyaasada ay ku gali lahaayeen.”

Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo iyaduna goobtaasi hadal ka jeedisay ayaa qirtay guusha ay Somaliland gaadhay aanay suurto gal noqoteen haddii aanay haweenku kaalintooda ka qaadan, waxaanay tidhi “Intaas oo wasiir ah oo haweena ayaan maanta dhex taagnahay, yaa maanta iga farxad badan, yaa maanta Somaliland ka qurux badan, waxa ay Somaliland sharaftaa iyo karaamada ku leedahay waa isku duubnida iyo wada jirka, waa laba gacmood, Somaliland halkan may soo gaadheen hadaan haween garab taagneyn. Haweenkuna waa laf-dhabarta ummada, sababta oo ah Hooyo ayaa haysa hoyga, haween baa hooyo ah, haween baa ooriya, haween baa talisa, haween baa dhaqaalaha heysa, 365-ka maalmood ee sanadkuba waa maalmaha haweenka, qarankuna halka uu taagan yahay la’aantood muu taagnaadeen.”

“Waanu uga mahad celineynaa madaxweynaha qaranka Somaliland oo noo yidhi kalmadihii aanu anagu odhan laheyn, anaga oo dood ugu nimid ayuu noo hiiliyay, ballan-qaadna wuu noo sameeyay, madaxweyne hoo iyo hiil ba waanu kugula garab taaganahay” ayay tidhi Dr. Adna Aadan Ismaaciil

Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa halkaasi ka jeediyay haddalo dhiiri gelin iyo dardaaran ah, waxaanu sheegay inay duruufo adagi ku gedaaman yihiin haweenka ku nool Somaliland, waxaanu yidhi “Haweenka Somaliland, waxa ku gedaaman caqabado badan, duruufo dhaqan iyo aqoon-darro keentay, haweenka Somaliland-na waxa u yaalla ugu horrayn in lagula dedaalo inay aqoonta qaybtooda ku yeeshaan, marka la eego Dugsiyada carruurta waxbarashada hoose, waxa laga yaabaa inay tiradu isku dhawdahay oo ay habluhu noqdaan 40% (boqolkiiba afartan), meelaha magaalooyinka ah, laakiin marka dugsiyada sare la gaadho habluhu waxa ay ku soo dhacaan tiro ka yar 30% (boqolkiiba soddon) ama shan iyo labaatan boqolkiiba. Marka ay jaamacadaha gaadhaanna waxa laga yaabaa intii dugsiga sare ka baxday in aanay halkaas kula sinnayn, taasna waxa sabab u ah ragga oo samir daran oo imika jaamacadaha aan ku raagin, duruufo jira awgood, halkaasna waxa ka soo baxay in hablaha aqoontoodu korodhay, waxa kale oo farxad leh in marka lagu tartamayo Qur’aanka iyo Diinta in habluhu ay kaalinta koowaad galaan.”

Mdaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi raaciyay “Haweenka intaas waxa u dheer shaqo la’aan, waxaana ay leeyihiin duruufo badan oo dheeraad ah, waayo sida loo kala abuuranyahay, ayaa kala duwan, waxaana ay qabaan duruufo caafimaad oo ka badan kuwa ragga oo in loo tixgeliyo u baahan, waxaana ay qabaan shaqooyin siyaado ah oo maalinle ah oo ka badan kuwa ragga, waayo Hooyada guriga oo dhan kaligeed baa lagaga tagaa, waxa aynu doonaynaa in inaga oo wada-jirna aynu caqabadahaas ka gudubno, waayo haweenku waa 50% (boqolkiiba konton), haddii mujtamaceenna boqolkiiba konton la aqoonsan waayo ama xuquuqdiisa lagu xad-gudbo qaranku hore u mari maayo, inaga oo taas ka duulaynana waa inaynu ka jawaabnaa baahida dumarka oo ugu horrayn aynu u aqoonsanaa waxa ay qabteen iyo hawsha ay ina dheer yihiin.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply