Baarlamaanka Somaliland oo si Adag Ugu Jawaab Dhiggooda Somalia

0
315

Hargeysa (Dawan)- Mudanayaasha Golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay go’aankii dhiggooda Soomaaliya ay ka soo saareen heshiiska ay Somaliland la gashay shirkadda DP-Worlsd ee lagu horumarinayo dekadda Berbera, kaaasi oo ay ku tilmaameen mid gef iyo meel ka dhac ku ah qaranka Somaliland.

Golaha Baarlamaanka Somaliland oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha golaha wakiillada mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa cod aqlabiyad ah lagu meel mariyay in mudanayaasha golahu taageeraaan heshiiskan ay kala saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP-World, iyo in ciddii ka hortimaada heshiiskaasi loo aqoonsado qarandumis.

Fadhigii shalay ee golaha Wakiillada Somaliland oo ay ka soo xaadireen shan iyo konton mudane, ayaa cod loo qaaday heshiiskan horumarinta dekeda Berbera, waxaana hishiiskaasi u codeeyay oo ogolaaday afar iyo konton mudane, cid diiday ma jirto, cidka aamustayna ma jirto, gudoomiyuhuna muu codeyn.

Golaha wakiilada Somaliland waxa uu si adag u cambaareeyay go’aankii Barlamaanka Soomaaliya kaga soo horjeesteen hishiiskii shirkada DP World. Waxaanay u direen golaha Qaramada Midoobya, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika, iyo ururka IGAD, waxaanay u soo jeediyeen in ay ka war hayaan xasiloono-daradda ay dawladda Muqdisho ka waddo Mandaqada.

Go’aankani golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku soo beegmaya kadib markii baarlamaanka Soomaaliya ay Isniintii doraad go’aamiyeen in hishiiska ay wada galeen Somaliland iyo shirkada DP World uu yahay mid sharci-darro ah.

Dhinaca kale, Xoghayaha golaha wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa golaha ka hor akhriyay qodobada go’aanka uu soo saaray golaha wakiillada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:-

“:Go’aanka Golaha wakiilada ee Taageerida Hishiiska Jamhuuriyadda Somaliland, Dawlada Faderalke Itoobiya, iyo Shirkada DP.World, waxa uu ka kooban yahay 17 qodob, oo kala ah sidan soo socota:-

1 Madax banaanida, midnimada iyo xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland waa lama taabtaan.

2 Wuxu golaha wakiiladu si buuxda u canbaareynayaa go’aankii gardarada iyo sharcidarada ahaa ee Golaha shacabka dawlada Soomaaliya ka soo saaray dekadda Berbera, sidoo kale waxaa uu goluhu si xoogan u canbaareynayaa faragalinta qaawan ee dawlada Soomaaliya ku heyso madaxbanaanid iyo qaranimada Jamhuuriyadda Somalliland

3 Goluhu isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah, wuxuu si buuxda u ayidayaa maalgashiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka si loo xaqiijiyo kobcinta dhaqaalaha, shacqa abuurista iyo nolosha bulshada guud ahaan.

4 Goluhu waxa uu mar labaad taageerayaa isaga oo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah , wuxuu 9/8/2016 cod aqlabiyada (69 cod) ku meel mariyay hishiiska maalgashiga dekadda Berbera.

5 Goluhu waxaa uu go’aamiyay in cidkasta oo kala qayb qaadata, ku taageerta ama si uun uga gacan siisa xukuumada Soomaaliya dhaqdhaqaaqyada lidka ku ah jiritaanka iyo madax banaanida Jamhuuriyada Somaliland loo aqoonsadoo cadaw qaran.

6 Goluhu waxaa uu ururka qaramada midoobay , ururka midowga afrika, ururka Jaamacada Carabta, Ururka IGAD, dawlad Jamhuuriyadda Somaliland ka taageera horumarinta iyo Dimuquraadiyada u cadeynayaa in dhaqdhaqaaqyad dawlada Soomaaliya ka wado mandaqada geeska afka yihiin kuwo keeni kara xasilooni daro cusub, balse Jamhuuriyadda Somaliland mar kale dunida u cadeyneyso inay mabda, ahaan aaminsan tahay loona baahan yahan in si wada jira loo ilaaliyo nabad kuwada noolaanshaha, istixgalinta, iyo xuquuqda aayo ka tashiga.

7 Goluhu waxaa uu ugu baaqaya muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland ugu baqaya inay si buuxda isu garab taagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka iyo ilaalinta madax banaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply