Guddoomiye Sharmaake oo Sheegay in aanay Wadin Caydhinta Shaqaalaha ee la Wado Caawintooda

0
326

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha ha’ayadda Shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmaake Axmed Muxumed Geelle Ayaa ka hadlay halka ay marayso hawsha tirinta iyo tayenta shaqaalaha dawladda oo shalay si rasmiya uga bilaabmatay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera .

Sharmaake Geelle oo waraysi gaar siiyey Wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay si rasmiya gobolka Awdal uga soo dhammaatay hawshii madax taabashada ee ay ka wadeen “Guud ahaan diiwaangelintii gobolka Awdal waxay noogu soo dhammaatay si habsami le waxaanan soo diiwaangelinay dhammaan shaqaalaha dawladda ee ka hawlgala gobolkaa waxaaa xusid mudan in si aan u wada gaadhno shaqaalaha kala duwan isla markaana uga dhawrno in ay safar iyo socdaal fog soo galaan waxa aanu ugu tegnay degmo iyo goob walba oo suurogal ah halkaas oo aanu habeen iyo maalin ba ugu soo shaqaynay si heegan le oo hagar la’aan ah deegaamada Borama, Dilla, Quljeed, Boon, Baki, Xariirad, Geerisa, Garbodadar, Saylac, Lawyacado, Lughaya iyo guud ahaan goobaha shaqaalaha badan ku suggan yihiin si xaalkooda iyo xog waafi ah looga soo helo” ayuu yidhi

Guddoomiyaha ha’ayadda shaqalaaha ayaa ka dareen celiyey dhacdooyinka ugu mudan ee ay kala soo kulmeen gobolka Awdal isaga oo sheegay in si degdeg ah uu qaranka uga jawaabi doono “dhacdooyin badan ayaa naga soo hor baxay haday noqoto shaqaale duruuf adag ku hawl-galaya oo aan loo ogayn, shaqaale derejo sare mudnaa oo aan loo daymo lahayn iyo guud ahaanba xaalada qalbi taabad le oo qaranku degdeg uga jawaab celin doonno

Hawsha lagu oganaaya tirida rasmiga ee shaqaalaha dawladda ayaa shalay si rasmiya ugu bilaabmatay magaalada Berbera ee gobolka Saaxil sida uu Dawan uu sheegay Sharmaake Geelle waxaana uu yidhi “ Imika ahaan waxaan shaqada maanta oo Salaasa ah 13/03/2018 ka bilownay gobolka Saaxil caasimadiisa Berbera halkaas oo aan ku diiwangelin doonno shaqaalaha dawladda ee gobolkan Saaxil ku suggan , Inta aan ku gudo jirno gobolkan Saddexaad ee Saaxil waxaanu ku hawl-geli doonnaa qorshayaashii aan ku soo hawl-galaynay labadii gobol ee ka horeeyey iyada oo maalin walba cashar iyo waayo-aragnimo u sii kordhaysay shaqaalaha hawshan gacanta ku haya, Insha Allah-na waxaan rajo badan ka qabaa in ay guul ugu soo dhammaan doonto sidii intii hore Alle noola soo qabtay.”

Guddoomiyaha oo aan wax ka waydinay in arrintani ay qayb ka tahay shaqaale caydhin maadama shaqo la’aan badani dalka ka jirta ayaa kaga jawaabay “shaqaalaha dawladda waxaan leeyahay uma socono in aan caydhin iyo cadaw idinku noqono lakiin waxaanu idiinku nimi in aan idin caawino, degdeg ugu dhawaw goobaha diiwaangelintu ka socoto isla markaana si niyad furan ugu waran hawl-wadeenada hortaada jooga, xogta aad maanta bixiso ayey ku salaysnaan doonaan wax walba oo xaq , xirfad iyo xuquuq ba aad qarankaaga ku yeelan doonto. Is diiwaangeli si laguugu xisaabtamo oo xaalkaaga looga xog helo.

Guddoomiyaha ha’ayadda shaqaalaha dawladda Sharmaake Axmed Muxumed Ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey sida ay hawshani ugu socoto iyo sida ay filayaan inay ugu soo idlaato waxaana uu yidhi “rajo wanaagsan Ayaan ka qabaa in hawshani guul ku soo dhamaato isla markaana qaranka Somaliland markii ugu horaysay yeesho xog shaqaale oo suggan taasi oo lagu qorshe iyo qiyaas qaadan karo, waa qorshahan oo keliya midka lagu horumarin karo shaqaale dal yeesho waana waxaa dunida is dhaafiya waayo waxaa horay loo yidhi “War le helyaaba tallo la hel” Somaliland shaqaalaheedu maanta kadib waxaa laga hayn doona war si looga tallo iyo tilmaam qaato.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply