Madaxweynaha oo Kulamo la Qaatay Wafti ka Socda Turki ah iyo Baarlamaanka Somaliland

0
314

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dawladda Turkey-ga oo uu hoggaaminayo safiir ku-xigeenka dawladda Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim.

Kulankan oo shalay ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si qoto dheer loogu lafa-guray xoojinta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo dar-dargelin lahaa, isla markaana looga midho dhalin lahaa waxna looga beddeli lahaa wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee hore uga dhici jiray Turkiga.

Sidoo kale, waxa kulankaasi lagaga wada hadlay kaalmada ay dawladda Turkigu bixiso in dawladda Somaliland ay saaamigeeda uga qaadan lahayd iyada oo aan cid kale loo soo marine ee si toos ah loogala macaamilo Xukuumadda Somaliland.

Safiir ku-xigeenka dawladda Turkey-ga u qaabilsan Bariga Yurub, Eeshiya iyo waddamada Afrika ee saxaraha ka hooseeya, Ambassador Umit Yaldrim, ballan qaaday in dhinacooda ay arrimahaasi xil iska saari doonaan.

 

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu shalay isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba.

Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply