Xisbiyada Mucaaradka oo ka Digay Halis soo Wajahday Biriijka Hargeysa

0
386

 

Hargeysa (Dawan)- Labada Xisbi Mucaarad ee UCID iyo WADDANI, ayaa Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa Ku eedeyey dayac hadheeyey Biriijka weyn ee Hargeysa , kaas oo ku dhow inuu dumo haddii aan si degdeg ah wax looga qaban.

Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis oo ka mid guddi ay hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah u sareen dabagalka dawladdaha hoose ayaa Xukumadda ugu baaqay in ay si degdeg ah ugu soo gurmata biriijka weyn ee magaalada Hargeysa oo ku dhow inuu dumo .

“biriijka Hargeysa waxa muuqata oo soo baxday sabbadii ugu hoosaysay, waana markii kowaad ee taariikhda ay muuqato tan iyo intay jirtay Caasimadu , biriijku waa astaanta Caasimada, waa kaas oo wuu dumayaa, waxaanu ugu baaqaynayaa Madaxweynaha Somaliland iyo cid walba oo ay khusayso in loo gurmado Biriijka, golahii deegaanka ee aynu dooranay uma jeedo malaha waxa ay sugayaan in shacabku sameeyo “ ayuu yidhi Yuusuf Kayse Cabdilaahi.

Xogahaya Ciyaaraha ee Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis ayaa xukumadda iyo shacabka Somaliland ugu baaqay inay ka hortaagan inta aanu dumin biriijka weyn ee magaalada Hargeysa oo ay soo wada baxeen jiridihii uu ku taagnaa, halis weyn ayaana ka muuqata, waxaana uu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa xukumadda Somaliland iyo shacabka in biriijka la soo gaadho, khatar ayuu ku sugan yahay, wuu dumayaa, waana biriijka ugu weyn ee Caasimadu leedahay, waxaa soo go’ay dhammaan jiradihii hoose, haddii uu roob soo da’o waxaa hadhay inuu dumo uun alle inaguma keene.”

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply