Dawladda Imaaraadka Carabta oo Tababaraysa Ciidammada Somaliland

0
388

Dubai (Dawan)- Dalka Imaaraadka Carabta ayaa tababari doono Ciidammada Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo qeyb ka ah heshiiska lagu dhisayo Saldhigga Millateri ee Imaaraadka Carabtu ka sameysanayo magaalo xeebeedda Berbera, sida laga soo xigatay waraysi uu madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi siiyey wakaallada wararka ee Reuters.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa wareysiga uu Reuters ku siiyay Abu Dhabi ku sheegay in Imaaraadka Carabta ay tababari doonaan Ciidammada Booliska iyo Millateriga Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in Saldhigga Millatari oo la dhammeystiri doono inta aanu dhammaanin sannadkani, waxaanu ku caddeeyey inuu suuragalin doono horumar dhaqaalle iyo ammaan si looga hortago kooxaha mayalka adag ee mandaqada ku nool.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu rejo ka muujiyay in maalgashiga Imaaraadka, waxaanu iftiimiyey oo uu ku jiro dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo dadku isticmaali doonaan, dhismaha waddo isku xidha Berbera iyo Ethiopia taasi soo kordhin doonto fursadaha shaqo abuurka.

Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu waraysiga kaga hadlay go’aanka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaanu ku tilmaamay wax lagu qoslo iyo gef siyaasadeed oo aan marnaba saameyn doonin heshiiska DP World iyo Ethiopia ay la galeen.

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi ayaa sheegay in dalka Imaaraadku ay lacago badan dhigan doonaan Baanka dhexe ee Somaliland taasi oo wax ka tari doonta horumarka dhaqaalaha dalka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply