Shacbiga Somaliland oo Caalamka u Caddeeyay Qarannimadooda

0
449

Hargeysa (Dawan):- Shaciba Somaliland ee gobolada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka ku dhaqan,ayaa beesha caalamka u caddeeyay halka ay ka taagan yihiin qarannnimadooda isla markaana ka badheedhay in ay geeri ka xigaan wax kasta oo ku lid ah gooni isu taagga iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland farriinn digniin ahna u diray madaxda dawladda magac u yaalka ah ee Soomaaliya ee Xamar lagu waardiyeeyo.

Isusoo baxyo aan look ala hadhin oo ka dhacay guud ahaan gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland isla markaana ay ka qayn qaadanyeen qaybaha kala duwan ee dadweynaha Somaliland,ayay shacbiga Somaliland beesha caalamkaugu caddeeyeen halka ay ka taagan yihiin jiritaanka Somalilandiyo difaacashada qarankooda taasoo ay kaga soo hor jeedeen wax kasta oo faro gelin ah oo kaga yimaada madaxda dawladda Soomaaliya ee muqdisho ciidamada Miadawga Afrika ku ilaaliyaan.

Waxaa kaloo ay beesha caalamka ugu sheegeen dadweyaha gobolada iyo degmooyinka Somaliland isusoo baxyada dorraad ka sameeyay in caalamku garawsado qarannimada Somaliland oo ay ogaadaan inn Somaliland ay tahay dal xor ah oo madaxbannaan isla markaana aan ka mid ahayn Soomaaliyada dunidu isku hawhsay nabadaynteeda ee aan wali degin nidaamna aanu ka hitr galin.

Isu soo baxydan oo ay dadweynha kala qayb galeen madax kala duwan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayay masuulyiiinta bulshada kala qayb galay waxay dawladda Muqdisho uga digeen in ay soo faro geliyaan arrimaha Somaliland waxaanay usoo jeediyeen Madaxda Soomaaliya in ay ku koobnaadaan dib u heshiisiinta dadkooda iyo joojinta dhiigga maalin walba ku daadanaya Soomaaliya.

Ujeedada isu soo baxyada dadweyne ee Somaliland gobolada iyo degmooyinka oo dhan hal mar ka wada qabsoomayay ayay ahayd in caalamka loo caddeeyo in qarannimada Somaliland ay tahay mid lama taabtaan ah iyo in Farmaajo iyo xukuumaddiisa farriin digniin ah oo kama dambays ah loo diro ka dib markii dawladda Soomaaliya maalmihii u dambeeyay ay ku hawlanayd dagaalo kadjhan ah Somaliland iyo heshiiska Somaliland la gaadhay Shirkadda DP-WORLD iyo Ioobiya ee sadex geesoodka ah ee horumarinta iyo ballaadhinta iyo casriyaynta dekeda Berbera oo Soomaaliya si cadwnimo leh uga soo hor jeesatay.

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed oo dadweynaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kala qayb galay isu soo baxyada dadweyne ee qarannimada Somaliland lagu miijinayay ayaa dareen taabasho leh u sheegay in Farmaajo uu bulshada Somaliland damqayo nabaradii taliskii kaligii taliyaha ahaa ee Siyaad Barre uu soo gaadhsiiyay waxaanu yidhi “Farmaajo waxaa uu ina damqayaa nabarada taliskii uu ku abtirsanayay ay Somaliland gaadhsiiyeen, Somaliland waxaa ay dooneysay inay tirtirto oo ay baabi’so dadkeena damqashadii ku dhacday inaynu bulshadeena ka masaxno ayaynu dooneynaa, waxaynu ognahay xukuumadda Somaliland in Farmaajo iyo maamul goboleedyadiisu ay hadda go’aansadeen in dagaalkii dib loo soo celiyo bulshada reer Somaliland waxaan u sheegayaa Farmaajo iyo dawlada tamarta yar ee ciidamada AMISOM guriga madaxtooyada ku ilaaliyaan, in heshiiskii u horreeyay ee dawlada Soomaaliya iyo dawlada Somaliland ay Ingiriiska ku wada galeen heshiiskii ugu horreeyay waxaa leysla qaatay inaynu nahay laba qolo oo siman, aduunyadana kama qarsoona oo maanta hadii AMISOM la saaro Farmaajona AMISOM ayuu raacaya oo madaxweyne maaha, dawlad maaha, ciidan qaran maaha, dawlad la soo doortay maaha, baarlamaan la soo doortay maaha”

Gudoomiyaha gobolka Gabiley mudane Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo isna fagaaraha Khayriyada ee Gabilay kula hadlay bulshadii halkaasi isugu soo baxday ayaa hoosta ka xariiqay in hadal kasta oo dawlada Xamar ka soo baxa in uu bulshada Somaliland xusuusinayo wixii hore loo baday waxaanu yidhi “Waxaa qarankayagu diyaar u yahay difaaca dalkayaga difaaca karaamadiisa, difaaca jiritaankiisa anaga maamul goboleed nalama barbar dhigi karo waxaan leeyahay odayaasha kii xalay Majeerteeniya u waramayay ee lahaa gobolada waqooyi ma nihin go0bolada waqooyi ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa nala yidhaaha, kalmad kasta oo idinka soo baxda waxa ay aheyd naf loo go’ay tanina waxaa ay na dareensiineysaa wixii aad na badeen oo wali taagan”

Wasiirku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamed Muuse Diiriye oo xarunta beerta Xoriyada ee magaalada Hargeysa kala hadlayay kumanaan ka mida dadweynihii isugu soo baxay ee sameynayay banaanbaxa ayaa sheegay in Somaliland diyaar u tahay difaacista qaranimadeeda waxaanu yidhi “Dhammaanba gobolada iyo degmooyinka dalka waa laga qabanayaa bannaanbaxan waxaana loo qabanayaa oo ay dadkaasi isugu soo baxeen oo ay taageerayaan Heshiiskii saddex geesoodka ahaa hadalkii ka soo baxay ee uu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo ansixintii golaha wakiiladda ay ku ansixiyeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ayay bulshaweynta reer Somaliland isugu soo baxday inay garab taagan tahay, waxaa kale oo ay isugu soo baxday inay ka jawaabto hadaladii ka soo yeedhay Farmaajo iyo dawladiisa taagta daran, hishiiskeena miyay joojin karaan? Miyay awood u leeyihiin? Farmaajo waxaa uu isa soo dhex taagay labadii nin ee xukunka uga horeeyay isaga Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, waxaanu yidhi dawladii Siyaad-bare waxaa ku xigta tan maanta la ii doortay labadii nin ee ka horeeyayna hareeraha ayay ka joogaan isaga iyo adeerkii Somaliland waxaa ay ugeysteen waala og yahay waxaa uu inanka Farmaajo la yidha inoo soo tafaxaytay inaga oo ah qaran 28-jirsaday dawladnimadeenuna taam tahay aduunkana la macaamila inu yidhaaho tii adeerkay idiingeystay ayaan idiingeysanaya oo dagaal ayaan idinku soo qaadayaa shalay ayuu Garoowe inoo soo joogsaday sow maaha? Ujeedadiisuna ay tahay inuu Somaliland dagaal ku soo qaado, inagana taasi waa aynu ka dagaalameynaa”

“Waxaan aad ugu mahad celinayaa dadweynaha sharafta leh ee sida weyn isugu soo baxay iyaga oo taageeraya go’aankii saddex geesoodka ahaa ee Somaliland, DP.Wold, iyo Itoobiya, waxaanay bulshadani muujisay sida ay taageersan yihiin dalkooda iyo dadkooda”Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali

“Jamhuuriyadda Somaliland cidna ku gafimeyso cidna baadil ku qabanmeyso laakiin cidii ku soo xadgudubta maanta looga warwarimaayo, aad iyo aadna waxaan ugu faraxsanahay hishiiska saddex geesoodka ah”Ayuu yidhi gudoomiyaha gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Aadan

Badhasaabka gobolka Sool Cabdi Kheyre diriri oo la hadlay bulshaweynta gobolkaasi ayaa tilmaamay in hishiiskani yahay mid saxaa waxaanu yidhi“Hadii aanu nahay bulshaweynta magaaalada Laascaanood waanu ayidsanahay hishiiska saddex geesoodka ahaa ee ay wada galeen Jamhuuriyadda Somaliland, shirkada DP.World iyo Itoobiya waxaanu aaminsanahay in hishiiskaasi yahay mid saxa”

“Heshiiska saddex geesoodka ah ee ay wada galeen Somaliland, shirkada DP.World iyo Itoobiya waa mid ina anfacaya waa mid dalka iyo dadkaba u dana Farmaajana waxaan leeyahay Muuse Biixi ayaanu ku dheer nahay”Ayuu yidhi badhasaabka gobolka Salel

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply