“Ummadda Somaliland Waa Dad Jawaab Ka Bixin Kara Cid Kasta oo ka Hortimaada Danahooda”

0
440

Dubai (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in ummada reer Somaliland ay yihiin dad jawaab cad ka bixin kara cid kasta oo ka hortimaada danahooda iyo rabitaankooda, isla markaana aanay cidna waxba ka waydiinayay hourumarka qarankooda.

Mudane Saleebaan Cali Koore, waxa uu tilmaamay in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ay sugtay dhamaan xuduudaha ay la wadaagto dalalka jaarkeeda, waxaanu sheegay in Somaliland ay tahay qaran isku filan oo buuxiyay dhamaan shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa, isla markaana ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo.

Wasiirka horumarinta biyaha Somaliland, waxa uu sidaasi sheegay mar uu la hadlayay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ugu horraynna isaga oo ka hadlayay taariikhdii ay soo martay dawladnimada Somaliland, waxa uu yidhi “Waxaan soo taagnaa, Madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Alle ha u naxariistee, sannadkii 193-kii oo wasiirkii arrimaha gudah ee ugu horrooyay uu u magacaabay Muuse Biixi oo hadda ah Madaxweynaha qaranka, iyada oo dekeda Berbera aanu todobaadkii ka sugno hal xaajiyad ah oo sida lacag giimbaar ah, dabadeedna markaanu madaxweynaha u nimaadno hadba hal milyan nalooga diri jiray, waliba qolyahayaga darafyada. Qaranka aan maanta goob jooga u ahay waa qaran dhaqaaqi kara oo isku filan oo buuxiyay shuruudihii qaran lahaa.”

Wasiirku waxa uu ka hadlay, kaalintii uu ka soo qaatay geedi socodkii dhismaha qarannimada Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan awood geliyo dhismaha qarannimada Somaliland, aniga oo markii aan aaminay, gartay ee aan yaqiinsaday in aan Somaliland wax ku ahay, isla markaana aan ka shaqeeyo qarannimadeeda aad baan u da’yaraa, dalka Somaliland iima darnaan, kacaa-kuf siyaasadeed wuu iska jiraa, laakiin marka da’dayda loo eego xilalka siyaasadeed ee aan ka soo qabtay cid ka soo qabatay ma jirto. Waxaan leeyahay cid aanu isku reer nahay ama aanu isku deegaannahay oo taageero siyaasadeed aan kaga helay ama meel i gaysay ma jirine, nin Somaliland wax la qaybsanayay ayaan ahaa meel fiicanna waan ka joogaa.”

Saleebaan Koore, waxa uu sharaxay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo saska ay ka qaaday dawladda Soomaaliya, waxaanu yidhi “Qaar baa ka xun in Somaliland horumar gaadho, horta nin wax haysta ayaa la xaasidaaye, nin aan waxba hasyan cidina ma xaasido. Waxaan leeyahay kuwa ka xun horumarka Somaliland, horta marka hore waxaan aaminsanahay in Somaliland ay tahay dal ay walaalo yihiin Soomaaliya oo colaad ka dhaxaysaa aanay jirin ummadda afka Soomaaliga ku hadasha, hadduu joogo Kililka shanaad, haday yihiin Soomaalida Kenya iyo hadday Jabuuti joogaan ba, waa in cid walba xaqeeda lagu ixtiraamo oo lagu dhawro ayay xaq u leedahay. Kililka shanaad oo qaybo badan oo ka mid ah aynu ehel wadaagnaa waxay ka mid yihiin Itoobiya, dad badan oo inaga ahina waxay ka mid yihiin dawladda Jabuuti, dad kale oo badan oo inaga ahina waxay ka mid yihiin dalka Kenya, waxa loo hortaagan yahay in Somaliland ay iyana iskeed u shaqaysato anigu ma fahmin.”

Wasiir Koore, waxa uu ka hadlay sugnaanta xuduudaha ay Somaliland la wadaagto dalalka jaarkeeda, waxaanu yidhi “Xuduudaha markii la samaynayay ee ay reer Galbeedku qaybsanayeen, may jirin cid la waydiiyay halka ay raacayaan, waxaa la sameeyay xuduudaha sannadkii 1884-kii, Somaliland waxaa la is raaciyay dadka loo yaqaano reer Somaliland ee lixdankii xornimadooda ka qaatay Ingiriiska, ama Saylac ha joogo, ama Taleex ha joogo ama Ceelaayo ha joogo. Maanta waxaan idiinku bushaaraynayaa, xuduudka Somaliland maanta wakhti uu ka sugan yahay iyo wakhti ay xukuumaddu ka awood badan tahay ma jirto.”

Mudane Koore waxa uu intaasi ku daray “Ummadda Somaliland waa dad jawaab ka bixin karta, cid alla cidii ka hortimaada danahooda, cidna duulaan kuma aha. Tusaale ayaan idinsiinayaa, Tukaraq cid baa ka talinaysay 19 sannadood, waa meel ka mid ah deegaanada Somaliland oo ay dhawaan ciidamada Somaliland hore ugu ruqaansadeen, Kastamka Tukaraq todobaadkii waxaa laga qaadi jiray 30 kun oo dollar, manay lahayn meel ay dumarku ku umulaan, hal qol oo iskuul ah iyo meel qof dhiig joojin loogu sameeyo midna may lahayn, markii ay ciidamada Somaliland gaadheen, waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay ee tagay, wax kasta oo ay dadkaasi naga dalbadeen, haday tahay MCH ay dumarku ku umulaan, haday tahay Iskuul, haday tahay Saldhigii Booliska, Katamkii iyo biyihii intaba waa loo sameeayay, halkaas waxaad ka garanaysaa in ummadani ay isku dad tahay, in ummadani ay isku meel ka soo jeedo.”

“Taleex baan idiinku xejinayaa, Taleex waxay ka mid tahay goobaha ugu taariikhda weyn Somaliland, waa magaalada ugu dhow ee degmo doorasho ah ee ugu dhow deegaanka Soomaaliya ama Garoowe, Puntland waxay ka talinaysay 17 sanno, maalintii Somaliland gaadhay sidaas oo kale ayay ahayd, markii aanu tagnay waxaanu ka dhisnay Cisbitaalkii, waxaanu ka dhisnay Saldhigii Booliska, waxaanu ka dhisnay xaruntii Dawladda Hoose, waxaanu ka dhisnay gurigii Badhasaabka iyo Xaruntii Maaliyadda, muddo lix bilood gudahood ah ayaa la geliyay Milyan dollar badhkii, taasina waxay muujinaysaa in dadkani ay isku ummad yihiin” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka Biyaha Somaliland, Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply